il 1. (indho, m.l) Xubinta aragga. 2. Meel biyo ka soo burqadaan. 3. Siriq. 4. Kartida ishu cid wax ku yeeli karto (senen); dhabato. 5. Dabool iniinaha badarka kor kaga dhegsan. 6. Dhul bannaan oo kaymo hareeraha ka xigaan.
il aragtay (c.cimi.) Fogaanta ugu dheer ee walax kaga arki karto “isha qaawan” ee fiirsade, oo lagu sheego mitirro (waarar) ama kiloomitirro (maylal).
il-adag ld il-adayg².
il-adayg (1) Dhiirranaan iyo gabbasho la'aan uu qof leeyahay. ld il-adkaan.
il-adayg (2) Wax si cabsi iyo gabbasho la'aan ah ugu dhiirrasho.
il-adaygid eeg il-adayg².
il-adkaan eeg il-adag. ld il-adayg¹, il-adkaansho.
il-adkaansho eeg ila-dkow. ld il-adkaan.
il-adkow Wax dhiirran oo aan gabbasho aqoon noqosho (qof).
il-kulul (1) Il laga cabsado leh.
il-kulul (2) (jool.) Biyo kulul oo qulqulaya oo ka soo baxaya dhulka, badanaa marka magmadu kululaysa, sida darteed waxaa aad looga helaa gobollada folkaanaha marka qaraxa folkaanuhu uu istaago.
ilaa I. ama i. iyo inta: jeer laga gaaro; laga bilaabo; tan iyo. Tus. “I. (ama i. iyo intaa) aan soo noqonayo halkaan joog”.
Ilaah (dii.) Sarreeyaha awoodda leh oo wax kasta abuura oo weligiis jiray, jirina doona; Rabbi; Eebbe; Alle.
ilaahcaabud (dii.) I. ah: qof Ilaah ka baqa oo cibaado badan. ld allacaabud.
ilaahcaabudid (dii.) Camalsan oo Ilaah cabsidiisa loo sameeyo. ld allacaabudid.
ilaahnimo (dii.) Ilaah ahaansho.
ilaahrumaysad ld ilaahrumaysasho.
ilaahrumaysasho ilaahrumayso. ld ilaahrumaysad, ilaahrumaysi.
ilaahrumaysi ld ilaahrumaysasho.
ilaahrumayso (stay, -satay) (dii.) Ilaah rumayn.
ilaal (1) Askar degmooyinka, waagi hore laga qori jirey oo madaxda degmooyinka la shaqeyn jirey mid ka mid ah.
ilaal (2) Ilmo dhashay neef loogu ducaynayo u qalid.
ilaalee Wax indha-indheyn.
ilaaleyn eeg ilaalee.
ilaaleysad ld ilaaleysasho.
ilaaleysasho eeg ilaaleyso. ld ilaaleysad, ilaaleysi.
ilaaleysi ld ilaaleysasho.
ilaaleyso Wax beylah ah meelo ka eegasho.
ilaali 1. Wax beylah ka dhowrid. 2. Iska i.: khatar iska jirid.
ilaalid eeg ilaal².
<< < 775 776 777 778 779 780 781 782 783 784 785 > >>