Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
shurbadee  Meseg-go, qamadi iwm shurbad ka dhigid.
shurfid  ld shirfid.
shurgi  Qof ishiisa laga baqayo hanti yar siin si ishiisa looga badbaado.
shurgin  eeg shurgi. ld shurgis.
shurgis  ld shurgin.
shuruf1  ld shirif¹. shuruf2  ld shirif². shurug  1. Wax la sharaysto. 2. Sh. ah: qof la sharaysto.
shuruglow  Qof la baasaysto oo la aaminsanyahay in uu balaayo wato.
shuruuc  eeg sharci¹.
shuruud  1. Ballan hore loo dhigtay. 2. Qodob muhiim ah in la fuliyo. 3. (w) eeg sharad 1 (2).
shuruudla'aan  Shardi ku xirnaan la'aan.
shushub1  1. Dabaadiga guga xilli roob aad u badani ka da'o gobollada koonfureed gaar ahaan jubbooyinka. 2. Shulshul. 3. Sh. ah: cadar, saliid iwm oo waxyaabo la isku dardaray ka kooban. shushub2  1. Maro iwm dacalkeeda shulshul u yeelid. 2. Hoore weel ku gedgeddin. shushuban  Qof wax xubnihiisu isu dheeli tiranyihiin ahaansho.
shushubasho  eeg shushubo.
shushubi  Maro, daah iwm shushub u yeelid.
shushubin  eeg shushubi. ld shu-shubis.
shushubis  ld shushubin.
shushubnaan  eeg shushuban. ld shu-shubnaansho.
shushubnaansho  ld shuhsubnaan.
shushubo  1. Hoore weel ku gedgeddisasho. 2. Maro shushub u yeelasho.
shushubsad  ld shushubsasho.
shushubsan  maro, daah iwm wax shushub loo yeelay ahaansho.
shushubsanaan  eeg shushubsan. ld shushubnsanaansho.
shushubsanaansho  ld shushub-sanaan.
shushubsasho  eeg shushubso. ld shushubsad.
shushubso  Maro, daah iwm shushub u yeelasho.
shuuci  Qof raacsan madba'a shuuciyadda.
shuuciyad  Hab dhaqan-dhaqaale oo qalabka wax soo saarka ay dawladdu gacanta ku hayso. ld shuyuuciyad.
page : 80 of 118
<< < 75 76 77 78 79 80 81 82 83 84 85 > >>

 

Exit mobile version