Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: hirqad
baaraan ld baarid².
baaraandeg (1) 1. (-gyo, m.dh) Dabbaaldeg. 2. ld baaraandegid.
baaraandeg (2) Ka b.: arrin, fikrad iwm aad u hubin.
baaraandegid eeg baraandeg². ld baaraandeg¹ (2).
baarad ld baarasho.
baaranooya (daaw.) Jahawareer dhimireed lagu yaqaan isbeddel shakhsiyadda ku dhaca iyadoo aan muuqan astaamo kale oo muujinaya jirro dhimir.
baarasho eeg baaro. ld baarad.
baarashuud Dallad weyn, maro ka samaysan oo diyaaradaha looga soo boodo.
baarax 1. Meel bannaan oo nabad lagu deggan yahay. 2. Ka baxsan, banka ka jooga.
baarbitureyt (daaw.) Mid kastoo ka mid ah koox dawooyin ah oo laga sameeyey barbituurig aasidh taaso hoos u dhigta shaqada maskaxda.
baare Qof baara arrin la xiriirta aqoon ama sir dad.
baarfuran Awr aan weligii la raran.
baari (1) 1. Culays, culaab. 2. ld baariyid.
baari (2) 1. Xoog ku riixid; qof wax ku adkayn; culays saarid. 2. Badeeco beec ka xayirid. 3. Ku b.: wax la naadinaayay qofka qiimaha ugu sarreeya gaara ka iibin.
baarid (1) B. ah: Wax aad u qabow.
baarid (2) eeg baar². ld baaraan, baaris³, baaritaan.
Baariis Magaalada Baariis (Af-Ingiriis: Paris) waa Caasimada wadanka Faransiiska (France)
baarin (1) ld baariyid.
baarin (2) Meesha gacatada laga qoto.
baaris (1) Neef irmaan oo candhadiisa ayan caano ka muuqan.
baaris (2) ld baariyid.
baaris (3) ld baarid².
baaritaan 1. Raadinta wax qarsoon. 2. Suuq waayidda badeeco ganac loo soo bandhigay. ld baarid².
baariyam-salfeyt (kiim.) Adke cad oo ugu jira macdanta baraytyada si dabiici ah. B. s. kuma milanto biyaha.
baariyid eeg baari². ld baari¹ (2), baarin, baaris², baaryid.
baarlammaan ld barlammaan.
baaro 1. Xoolo naftu ka baxayso rafasho. 2. Ku b.: wax burburin ama baabbi'in. Tus. “Beertii dibi qooqan baa ku baartay”.
baaro (1) Wasakh midab cad leh oo ka dhalata marka aan la nadiifin xubnaha taraanka dadka aan la gudin.
baaro (2) Wax qarsoon, raadin.
baarqab Awrka geela loogu daro in uu rimiyo oo aan la rarine baarkiisa qaba.
<< < 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 > >>

 

Exit mobile version