baaris
(m.l)

Neef irmaan oo candhadiisa ayan caano ka muuqan.

baaris
(m.l)

ld baariyid.

baaris
(m.dh)

ld baarid².

Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh baaris

aqoonbaaris [m.dh]
Cilmibaaris.

baarid [m.f.dh]
eeg baar². ld baaraan, baaris³, baaritaan.

baariyid [m.f.dh]
eeg baari². ld baari¹ (2), baarin, baaris², baaryid.

barbaaris [m.dh]
ld barbaarid.

cilmibaaris [m.dh]
Raadinta xaqiiqo la xiriirta cilmi.

dabaggal [m.l]
1. Baaris qoto dheer oo lagu sameeyo wax qarsoon oo la doonayo in la hubsado. 2. ld dabaggelid. Cidaan qaabilsan baaridda arrin la tuhunsanyahay in ay dhacday ama dhici doonta. 3. Ciidanka nabadsugidda qayb ka mid ah oo qabilsan la socoshada arrimaha dibloomaaysiyiinta.

degalbaaris [m.dh]
(taar.) Barashada taariikheed iyo dhaqan ee mujtamacyadii hore, adigoo eegaya dhismooyinkii ay ka tageen, xabaalihii, qalabkoodii iwm.

Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg