kabbaqable K. ah: shaah, fuud iwm oo aan kululayn, si fiicanna loo kabban karo; qandac; kuljiir. ld kabbaquble.
kabbaqablee Dareere si aayar ah u cabbid. ld kabbaqublee.
kabbaqableyn eeg kabbaqablee. ld kabbaqubleyn.
kabbaqableysasho eeg kabbaqabley-so. ld kabbaqableysi, kabbaqubleysasho, kabbaqubleysi.
kabbaqableysi ld kabbaqableysasho.
kabbaqableyso Caano, fuud, shaah iwm aan kululayn kabbasho. ld kabbaqubleyso.
kabbaqublaysi ld kabbaqableysasho.
kabbaquble ld kabbaqable.
kabbaqublee ld kabbaqablee.
kabbaqubleyn ld kabbaqableyn.
kabbaqubleysasho ld kabbaqabley-sasho.
kabbaqubleyso ld kabbaqableyso.
kabbasho eeg kabbo².
kabbax1 K. ah: nafley cudur ku dhacay kana bogsootay oo jirkeedu sameystay difaac. kabbax2 (daaw.) Xaaladda aanu xayawaanku u nuglayn caabuqa kaga yimaada noolayaasha cudurrada dhaliya ama waxyeellada ka soo gaadhi karta suntooda; kabbaxu waxa uu ku xidhanyahay marka ay dhiigga ku jiraan lid jidh-galayaal iyo unugyada cad-cadi (limfosayto) kuwaas oo soo saara jawaabis kabbaxeed. kabbaysad ld kabbaysasho.
kabbaysasho eeg kabbayso. ld kabbaysad, kabbaysi.
kabbaysi ld kabbaysasho.
kabbayso Dareere kabbo-kabbo u cabbid.
kabbi Caano iwm cid hal kabbo ka siin. ld kebbi.
kabbin eeg kabbi. ld kabbis¹, kebbin, kebbis¹.
kabbis1 ld kabbin. kabbis2 ld kebbis². kabbisan ld kebbisan.
kabbisid ld kebbisid.
kabbisii Cid caano iwm in uu kabbado u oggolaansho. ld kebbisii.
kabbisiin eeg kabbisii. ld kebbisiin.
kabbisnaan ld kebbisnaan.
kabbisnaansho ld kebbisnaan.
kabbo1 1. Caano, biyo iwm in cantuugo ka yar oo kol afka lagu qaado. 2. Qasac yar oo lagu cabbiro, saliid, gaas iwm.
page : 9 of 73
<< < 4 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 > >>