Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: jalwi
mihiibi Cid wax mulkisiin. ld mahiibi, mahiibsii, mihiibsii.
mihiibid eeg mahiib². ld mahiib¹, mahiibid, mihiib¹ (2).
mihiibin eeg mihiibi. ld mahiibin.
mihiibsasho eeg mihiibso. ld mahiibsasho.
mihiibsii U m.: cid hanti siin. ld mahiibsii.
mihiibsiin eeg mihiibsii. ld mahiibsiin.
mihiibso Hanti aan la siin qaadasho (qof). ld mahiibso.
mihiigaan ld mahiigaan.
mihiigaannimo ld mahiigaannimo.
mihin Qof in wax la siinayo la dareensiiyo, oo kolkuu wax fisho, haddana aan wixii la siin; walacsi. ld mehin, mohin, mohis, muhin, muhis.
mihindis (1) ld mihindisid.
mihindis (2) Ku m.: dhismo, farsamo iwm oo cusub soo saarid.
mihindisid eeg mihindis². ld mindihis¹.
mihindisoo Ku m.: arrin aan dhaqan gelin ku fekerid.
mihindisood eeg mihindisoo.
mihinse Fikrad aan dhaqan gelin oo maskaxda lagu hayo.
mihnad Hawl gaar ah oo qofku si dhab ah u yaqaan oo ku xoogsado.
miibac 1. Wax aan fudayd ku jebin oo aad u adag. 2. Gaajo kulul oo aan bi'in oo xanuun-ka-warqab ah. ld mamac.
miicila' Waxa lagu sharxa dhirta aan jirrid adag lahayn.
miid 1. ld miir 2. Hoore layiig ah oo shubma, sida: malabka, subagga iwm. 2. M. ah: hoore saafi ah oo aan wax kale ku labnayn.
miidaami 1. Wax meel durugsan oo ka soo noqodkeedu dhib yahay u eryid. 2. Nabar ama riddo si qiyaas la'aan ah meel ugu gemid.
miidaamin eeg miidaami. ld miidaamis, miidaamo (3).
miidaamis ld miidaamin.
miidaamo 1. Wax aan la rabin oo meel uusan ka soo nabad noqonayn loo diro. 2. Nabar aan loo meel deyin oo la rido. 3. ld miidaan². 4. ld miidaamin.
miidaan (1) Goob dadku isugu yimaado oo lagu qabto waxyaalo kala duwan.
miidaan (2) Xasil. ld miidaamo (3).
miidaanday U m.: fal samayntii aad uga fiirsasho.
miidaandayid eeg miidaanday.
miidaansan Wax la miidaanshay ahaansho (nafley).
miidaansanaan eeg miidaansan. ld miidaansanaansho.
<< < 80 81 82 83 84 85 86 87 88 89 90 > >>

 

Exit mobile version