rabrableyn eeg rabrablee.
rabshad ld rabash¹.
rabshadayn ld rabshayn.
rabshadee ld rabash².
rabshayn eeg rabshee. ld rabshadayn, rabshid.
rabshaysan Nafley rabsho la kulantay ahaansho.
rabshaysnaan eeg rabshaysan. ld rabshaysnaansho.
rabshaysnaansho ld rabshaysnaan.
rabshee ld ra-bash².
rabshi Xaarka shimbiraha oo beeraha lagu bacrimiyo.
rabshid eeg rabash².
rabsho ld rabash¹.
rabshoobid eeg rabshow.
rabshow Wax rabsho la kulmay noqosho (nafley).
rac Kooxo nafley ah oo si nidaam leh isu dabajooga middood.
racayn1 Kooxayn ama xulid tiro waxyaaleed iyada oo aan loo eegin orsa-naan. racayn2 Hormo urur kasta ee uu urur walxood iyada oo aan la tixgelin horsanaanta sida loo kala xushay. Haddii 'r'walxood laga xushay urur 'n'kutirsane leh oo weliba walax kastana la xulan karo mar keliya. Tirada racaymaha kaladuwan waa: n!/[r!(n-r)!] loona qoro nCr ama C(n,r)[r!(n-r)!]Tusaale ahaan, haddi fasal ay ku jiraan 15 arday ay ka dhexeeyaan 5 buug oo keliya, marka buug kasta waa in ay saddex arday wadagaan, inta siyaalo ee loo ratibi karo waa: 15!/[3!(15-3)!] ama 455. racfaan ld rafcaan.
racrac Koox koox.
racracayn eeg racracee.
racracee Nafley racrac u qeybin.
rad 1. Badar wax la qooyay oo jilcay noqosho. 2. Maro muddo biyo ku dhex jirid.
radaq ld raqad.
raddi 1. Markhaati burin. 2. Cid dhaar lagu helay cid kale ku wareejin.
raddigal Col kayd ah oo marka wax la weerarayo loo kaydiyo difaac ahaan.
raddin eeg raddi. ld raddiyid.
raddiyid ld raddin.
radeeb1 1. R. ah: mindi, waran iwm oo aan af wax gooya lahayn. 2. radeebid. radeeb2 1. Mindi, waran iwm wax la radeebay noqosho. 2. Ciid, dhagax iwm wax hoos loo nabay noqosho. radeeban 1. Mindi, waran iwm wax la radeebay ahaansho. 2. Ciid, dhagax iwm wax hoos loo nabay ahaansho.
page : 10 of 40
<< < 5 6 7 8 9 10 11 12 13 14 15 > >>