Qaamuus.net

Ereyga Maalinta

Maalin kasta baro erey Soomaaliyeed iyo macnihiisa.

October 1, 2026

galabdheer

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Xilliga u dhexeeya saddexda galabnimo ilaa afarta.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
September 30, 2026

jaw

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Yoon dhegta dhexdeeda laga dareemo, kaddib markii aad loo harraado.
  2. 1. Kaamil. 2. Jibaad meel fog laga maqlaaya. 3. Keli ah.
  3. Erey la yiraahdo kolka wax lala yaabo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
September 29, 2026

qamandhacoo

Qaabnax: Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3

Isrogrogga: (-ooday, -ootay)

Macnaha:

  1. Qamandhaco dareemid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
September 28, 2026

jimcobarqadle

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Xaflad weyn oo roobdoon ah oo lagu sameeyo siyaarada Sh. Yuusuf Al-Kowneyn. ld jimca-barqadle.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
September 27, 2026

dhuundhaw

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Gowricidda neef geel ah la gowraco. 2. ld dhuundhebid .
  2. Neef geel ah gowricid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
September 26, 2026

tuux

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Tirsi loo adeegsado cayaarta delebka.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
September 25, 2026

sanoobir

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Geed abaareed aad u dheeraada oo qurux iyo waxtarba isku darsaday oo leh, caleemo dhuudhuuban, cutub-cutub isugu xiran oo cirbad la moodo iyo miro isku duuban oo korka kurtumo yaryar iyo toxob ku leh oo alwaaxdiisa waxyaalo badan laga sameeyo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
September 24, 2026

cirbi

Qaabnax: Fal Gudbe2 | Verb Transitive2

Isrogrogga: (-iyay, -isay)

Macnaha:

  1. Faras, rakuub iwm si uu orodka u dheereeyo cirbaha ku dhufasho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
September 23, 2026

nadalo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Isrogrogga: (-ooyin, m.l)

Macnaha:

  1. Xirmo qaad ah oo majin ka yar.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
September 22, 2026

khariif

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Xilliga doonyaha shiraaca leh ay xayirmaan dabeysha oo isbeddesha awgeed. 2. Nooc timirta ka mid ah oo aan aad u bislaan, dheg dheg badanna leh.
  2. Doon meel ku xayirmid dabaysha oo isbeddeshay aw-geed.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
September 21, 2026

dhaydhayo

Qaabnax: Fal Gudbe3 | Verb Transitive3

Isrogrogga: (-yaday, -yatay)

Macnaha:

  1. Qof koolkoolin.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
September 20, 2026

maansabooli

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Qof sheegta maanso uusan curinin. 2. ld maansabooliyid.
  2. Qof maanso aanu curin sheegasho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
September 19, 2026

faajafaajo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Qof ladan isaga oo aan dan lahayn tago meelo kala duwan, ama waxaan muhim ahayn lacag ku kharajgarayo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
September 18, 2026

marjiid

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. ld maljiid 1. Wax dheer oo toosan. 2. ld marjiidid. ld maljiid¹.
  2. Wax kala jiidid. ld maljiid².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
September 17, 2026

heeti

Qaabnax: Fal Magudbe2 | Verb Intransitive2

Isrogrogga: (-iyay, -isay)

Macnaha:

  1. 1. Xarrago la liicliicid. 2. ld hiti.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
September 16, 2026

cilmiga usdurraadka

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Barashada usdurraadka waa sheekooyin laga gaaray dadkii hore, iyo fikrado la xiriira taariikada asalka, qeexid dhacdooyinka dabiiciga ah sida xilliyada.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
September 15, 2026

siin

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-iiman, m.l)

Macnaha:

  1. 1. Magaca xaraf oo ka mid ah xarfaha af carbeedka 2. Duuf. 3. Taar. 4. Maacuunta inta birta ka samaysan oo dhalada iyo macdinka ahayn. 5. S. ah: subag dhalaashan. 6. (-iiman, m.l) Dheeh weelasha jikada oo birta ah qaar-kood oo loo yeelo.
  2. eeg sii². ld siis.
  3. Subag burcad ah weel gudihiis ku dhalaalid.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
September 14, 2026

nacaal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Masaabir sal buuran oo xagga hoose lagaga taxo kabaha. 2. Bir qoobabka fardaha lagu dhejiyo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
September 13, 2026

dangiig

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Jiif raaxo leh dhabarku hooseeyo; xusullaysi. 2. ld dangiigid. ld dingiig¹.
  2. Si raaxeysi leh dhabarka ugu seexasho. ld dingiig².
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
September 12, 2026

xorre

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Cudur fasas leh oo ku dhaca faraha fooddooda oo xanuun badan leh. 2. ld xarre.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
September 11, 2026

turaal

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Naxariis cid loo galo. ld turniimo, turniin, turniinsho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
September 10, 2026

birimbirqo

Qaabnax: Magac Dheddig ah | Feminine Noun

Macnaha:

  1. Boodbood iyo durduro ay sameeyaan weylaha; naylaha, waxaraha iwm marka ay barwaaqeysanyihiin. ld birimbirqayn.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
September 9, 2026

sidqaad

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Marka ilmuhu caloosha galaan iyo marka ay dhashaan muddada u dhexey-sa.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
September 8, 2026

qaldhow

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Orodka uu awr qooqani ordo mar uu dagaallamayo.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
September 7, 2026

mardaaddi

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. Xarragada dhar qurxoon lagu xarragoodo.
  2. Dhar qurxoon xirasho.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
September 6, 2026

sawrac

Qaabnax: Magac Lab Urur | Noun Masculine Collective

Isrogrogga: (-cyo, m.dh)

Macnaha:

  1. 1. Meesha laga soo farcamay. 2. tilmaan, sifo shay, ummad ama qof gaar uleeyahay.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
September 5, 2026

boolicun

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Isrogrogga: (-nno, m.dh)

Macnaha:

  1. Qof hanti booli ah ku dhaqma. ld boolicune, booliquute.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
September 4, 2026

waddoohiye

Qaabnax: Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate

Macnaha:

  1. Waddoohiye ah: jid aad u ballaaran ama aad loo maro.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
September 3, 2026

gusoore

Qaabnax: Magac Lab ah | Masculine Noun

Macnaha:

  1. 1. Bartamaha guga. 2. Bar-waaqo. ld gu'soore.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur
September 2, 2026

dulmadow

Qaabnax: Magac Dheddig Urur | Noun Feminine Collective

Macnaha:

  1. Dawacada jaad ka mid ah oo dhabarka madow.
Source: Qaamuuska Annarita Puglielli iyo Cabdalla Mansuur