Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: biqil
khoof (2) Ka kh.: wax ka cabsasho.
khoofid eeg khoof².
khoori (1) Gacan yar oo bad berriga soo gudaggala.
khoori (2) 1. (juqr.) Dhul ballaaran oo biyaha baddu ama kuwa harooyinku ay soo galeen. 2. (juqr.) Liid dhuleed dhuuban oo isku xira laba dhul oo waaweyn, tusaale ahaan: labo dhul qaaradeed oo waaweyn, ama jasiirad-u-eke ku xira dhul-weynaha; tusaale caad waxaa noqon kara qooriga Panama iyo qooriga Suez.
khubaro eeg khabiir.
khudaar ld khudrad.
khudbad Hadal dad badan hortii laga jeediyo. ld khudbo.
khudbasireed Meher qarsoodi ah.
khudbasireysad ld khudbasireysasho.
khudbasireysasho eeg khudbasirey-so. ld khudbasireysad, khudbasireysi.
khudbasireysi ld khudbasireysasho.
khudbasireyso Si qarsoodi ah haweenay u mehersasho.
khudbee Khudbad jeedin.
khudbeyn eeg khudbee.
khudbo ld khudbad.
khudrad Dhir yaryar oo ka kooban ubax, caleemo iyo xididdo oo dadku cuno, cuntadana ku darsado. ld khudaar.
khulafaa eeg khaliif.
khulcid eeg khuluc².
khuluc (1) Shuruudda lagu xidho haweenay haddii ay rabto in la furo.
khuluc (2) Is kh.: haweeney furitaan rabta shuruud ku xirid.
khumkhum Walax udgoon oo haweenku shitaan.
khuraafaad Waxyaabo aan jirin oo la rumaysto; sanan.
khurraad Hadal aan macno lahayn.
khusayn eeg khusee.
khusee Arrin iwm ku lug lahaan.
khushi Kh.gay, kh.gaa iwm: bareer; ulakac; ogaan; ikhtiyaar.
khushiye Kh. ah: qof qalaase ama fawdo abuure ah.
khushuuc (1) ld khashuuc¹.
khushuuc (2) ld kha-shuuc².
khushuucid ld khashuucid.
<< < 908 909 910 911 912 913 914 915 916 917 918 > >>

 

Exit mobile version