kiilowaat Kun waad oo ah awoodda korontada ama makaanikada.
kiimika Cilmiga laga barto walxuhu waxa ay ka sameysan yihiin iyo isbeddellada mid kasta ku imanaya nooca uu yahay.
kiin1 Magacuyaal layeele ee tilmaamaya qofka labaad ee wadarta ah. Tus. “Wuu iga kiin waday”. kiin2 ld kiinna². kiinjo Qasabka alanka ugu hooseeya ee macaan.
kiinna1 (kuwiinna, w) Magacuyaal lahaansho oo tilmaamaya wax idinku (qofka labaad ee wadarta ah) aad leedihiin. Tus. “Kiinna warkiisa iskaba daa!”. kiinna2 Dibkabe lahaansho oo tilmaamaya wax idinku (qofka labaad ee wadarta ah) aad leedihiin. Tus. “Dad badan baa dhagaysta warkiinna”. ld kiin². kiintaal Boqol kiilogaraam culayskood; jawaan.
kiis1 1. Dacwad maxkama-deed. 2. ld xiish. Xereynta geel laga xereeyo dad mag lagu leeyahay. kiis2 1. Wax cidid. 2. Dad mag lagu leeyahay xoolo ka xereyn. kiis3 ld kiisa². kiisa1 (kuwiisa, w) Magacuyaal lahaansho oo lab ah, oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee lab) uu leeyahay. Tus. “Buuggaaga qaado kiisana meel u dhig”. kiisa2 Dibkabe lahaansho oo lab ah oo tilmaamaya wax isagu (qofka saddexaad ee kelida ah ee lab) uu leeyahay. Tus. “Aaway qalankiisa?”. ld kiis³, ki, kii². kiisad ld kiishad.
kiish Kolay maro, harag iwm ka samaysan oo wax lagu rito. ld kiis¹.
kiish yaro (daww.) Kiish yar oo ka sameysma meelaha dabacsan ee xubnaha dheefshiidka.
kiish-dabac-halbawle (daaw.) Kiish dhiig ka buuxo oo ka sameysma halbawlayasha jirka, waxaana keena xididka oo meel ka dabca.
kiishad Suun la xirto oo leh jeeb ama laba oo lacagta iwm. lagu rito. ld kiisad.
kiishka xabka (c.nafl.) Kiishka xabku ka buuxo oo ilmaha uurka ku jira ku dhex jiraan waxaana daboola xuubka “amnion”.
kiisid eeg kiis².
kiismiskiin Codsi qof u qorto maxkamad si looga dhaafo kharajka ku baxaya dacwadda loo qaadayo.
kiitoon (kiim.) Moli-kuyuullada leh urur shaqaale RCOR'. eeg urur shaqo.
kilkil1 Ruxidda si xoog ah wax loo ruxo. kilkil2 Wax si xoog iyo dhakhso leh u ruxid. kilkilayn eeg kilkilee. ld kilkilays.
kilkilays ld kilkilayn.
kilkilee Cid kilkilada ka xagatayn.
kilkilid eeg kilkil².
kilkilo Meesha godan ee ku taal meesha cududda iyo garabku isaga yaalliin, dhankeed hoose; shaqfal.
killaal1 1. Xabsi. 2. K. ah: meel ciriiryoon oo aan laga bixi karin. 3. Meesha cududda iyo dhudhunka dadku iska galaan.
page : 916 of 1584
<< < 911 912 913 914 915 916 917 918 919 920 921 > >>