kirkirnaansho ld kirkirnaan.
kirkirre Doonfaar; doofaar.
kirli Weel biyaha iyo shaaha lagu karsho oo siddo fur iyo naas leh; ibriiq; jalmad.
kiro Hanti laga baxsho wax aan la lahayn oo la manaafacsanayo.
kirtamid eeg kirtan². ld kirtan¹.
kirtan1 Dhaqdhaqaaqa ay xooluhu sameyaan marka uu jirkoodu taabto waxaysan rabin. ld kirtamid. kirtan2 Xoolo jirkooda waxaysan rabin taabteen kadaalliyid. kis In yar; xoogaa; kistoo.
kis1 ld kir. kisi 1. K. ah: tiro aan qaybsami karin oo weligeed wax soo haraan (sida: 3, 5, 7, iwm). 2. (-iyo, m.dh) Qof aan meher ku dhalan.
kistoo Kis yar; xoogaa.
kiswad Dhar qaali ah, lagu xarragoodo oo dumarku qaataan.
kitaab (kutub, m.dh/kutubo/-bbo, m.l) 1. (dii) Buug ay ku yaalliin waxyaabo badanaa diini ah oo farta carabiga ku qoran. 2. (u) Ballanbaalis.
kitaabday U k.: qof buka si loo daaweeyo kitaab u eegid; kutubbo-rogid.
kitaabdeyid eeg kitaabday.
kitaabfur1 Hantida ugu horreysa oo la siiyo wadaad qof jirran daaweynaya. kitaabfur2 Wadaad (kitaabgaablow) cid jirran kitaab u fiirid. kitaabfurid eeg kitaabfur².
kitaabgaab Nin diinta si xun ugu shaqeysta; fiqidduur. ld kitaabgaablow.
kitaabgaablow ld kitaabgaab.
kix Cudur badanaa carruurta ku dhaca oo leh qufac iyo neefraac xiriira oo qaylo dheer; xiiqdheer. ld jix, qix.
kob 1. Meel kooban oo la tilmaami karo. 2. Daliigo caw laga falkiyey oo dhaadheer ballacooduse yaryaryahay oo kolkii laysku toltolo dermada noqda middood. 3. Meel geedo dhaadheer leh oo hareeraha ka bannaan. 4. ld kab².
kobatol ld kobatole.
kobatole 1. Qalabka kabaha lagu tolo oo mudac weyn u eg. 2. Ninka kabaha tola. ld kabatol.
kobci 1. Dhasha dadka iyo xoolaha cayilin. 2. Dhaqaale iwm kordhin.
kobcid eeg koboc².
kobcin eeg kobci. ld kobcis.
kobcis ld kobcin.
koboc1 K. ah: nafley yar oo cayilan. koboc2 1. Nafley yar cayilid. 2. Dhaqaale iwm korid.
page : 918 of 1584
<< < 913 914 915 916 917 918 919 920 921 922 923 > >>