koboc
(Magac Lab Khabar | Noun Masculine Predicate)K. ah: nafley yar oo cayilan.
koboc
(Fal Magudbe1 | Verb Intransitive1) (-bcay, -bocday; -bci)1. Nafley yar cayilid. 2. Dhaqaale iwm korid.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh koboc ↴
duufaan-onkodle [m.l] (-nno ..., m.dh)
(fiis.) Duufaan maayado hawo sare oo xooggan leh, oo sameeya daruuro kumuloonimbas ah oo aad u kobocsan, oo leh dhibco aad u waaweyn, oo yeelan kara baraf dhagax ah, kolkaa danab qulqulka sameysmaa bhaliyo hillaacyo, iyo onkod ka dhashay fididda hawada kulka badan e hilaaca darteed.
kobcid [m.f.dh]
eeg koboc².
kobocsan [Fal Magudbe4 | Verb Intransitive4] (-naa, -nayd)
Ahaansho wax la kobciyey.
kobocsanaan [m.f.dh]
eeg kobocsan. ld kobocsanaansho.
kobocsanaansho [Magac Lab/Dheddig | Noun Masculine/Feminine]
ld kobocsanaan.
kobocsasho [m.f.dh]
eeg kobocso.
kobocso [Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3] (-saday, -satay)
Ilmo xoolaad oo la doonaayo in la qasho cayilsasho.