Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
leelleelid  eeg leelleel².
leelleelsan  Wax masiibo la kulmay ahaansho.
leelleelsanaan  eeg leelleelsan. ld leelleelsanaansho.
leelleelsanaansho  ld leelleelsanaan.
leelleeltir1  Xoolo ama wax kale oo qof hawlgab ah ama ciidan waxyeelloobay abaal gud ahaan loo siiyo. leelleeltir2  Cid masiibo ku dhacday wax siin. leelleeltiran  Wax la leelleeltiray ahaansho.
leelleeltirid  eeg leelleeltir².
leelleeltirnaan  eeg leelleeltiran. ld leelleeltirnaansho.
leelleeltirnaansho  ld leelleeltirnaan.
leelo  1. Xayaabada dusha ka fuusha cuntada la kariyo. 2. Xaafoodka kor fuula biyo in badan meel ku jirey; saaruq.
leex  Caano is haysta oo la matago.
leexad  ld leexasho.
leexad birlabeed  
leexasho  ld leexad.
leexaysad  ld leexaysasho.
leexaysasho  eeg leexayso. ld leexaysad, leexaysi.
leexaysi  ld leexaysasho.
leexayso  1. Leexo samaysasho. 2. Leexo isku ruxid.
leexi  Wax jihadii ay u jeedeen ka duwid.
leexin  eeg leexi. ld leexis.
leexis  ld leexin.
leexo1  1. Dabayl dhacda oo cirka u kacda. 2. Ciyaar xarig geedo isu dhow labadiisa dacal lagu kala xiro oo carruurtu fuusho iskuna ruxaan. 3. Qallooc gala kurus geel. leexo2  Jid lagu socday ka weecasho. leexsan  Wax dhinac u weecsan ahaansho.
leexsanaan  eeg leexsan. ld leexsanaansho.
leexsanaansho  ld leexsanaan.
leexsasho  eeg leexso.
leexso  Wax dhinac u weecsasho. Tus. “Biyaha beerta u leexso”.
leextukaalee  Arrin laga hadlaayo wax yar ka sheegid.
page : 963 of 1584
<< < 958 959 960 961 962 963 964 965 966 967 968 > >>

 

Exit mobile version