leextukaaleyn eeg leextukaalee.
leextukaaleysasho eeg leextukaaleyso. ld leextukaaleysi.
leextukaaleysi ld leextukaaleysasho.
leextukaaleyso Arrin laga hadlayo wax yar ka sheegid. ld lextukaalee.
leg Saraarka iyo hilibka saaran.
legdamid eeg legdan².
legdan1 Ciyaar laba qof isaga horyimaadaan oo ay si gaar ah isu qabsadaan, oo mid walba ku dadaalayo in uu kan kale dhulka dhigo. legdan2 Legdan samayn. legdan3 Wax la legdey ahaansho. legdanaan eeg legdan³. ld legdanaansho.
legdanaansho ld legdanaan.
legdid eeg leged². ld leged¹.
legdin 1. Dhul dhigidda qof legdamaya dhulka la dhigo. 2. ld legdan¹.
leged1 ld legid. leged2 Qof legdamaya dhul ku dhufasho. legriix Cayil ka bata lo'da oo xubnaha badankood shaqada ciriiri ka geliya.
leh (lahaa, lahayd) 1. Wax qabid. 2. Hadal dhihid. 3. Is l.: wax malayn. Tus.: “Waxaan is leeyahay berri halkan imow”.
lehel Bartilmaameed la isla ogyahay.
leked Qof rabsho badan oo madax adag.
leleg Timaha ka baxa laabta ragga.
lexejeclo Kalgacal maal loo qabo.
lextukaalee ld leextukaaleyso.
leyleysad ld leyleysasho.
leyleysasho eeg leyleyso. ld leyleysad, leyleysi.
leyleysi ld leyleysasho.
leyleyso Godadow ciyaarid.
leylisargaal ld leylisarkaal.
leylisarkaal Qof tababbar ugu jira in uu noqdo sargaal ciidan.
leylisarkaalnimo Leylisarkaal ahaansho.
leysin Warqadda oggolaanshaha baabuur wadidda.
page : 964 of 1584
<< < 959 960 961 962 963 964 965 966 967 968 969 > >>