maamuusiyad Sariir weyn oo kulligeed qoryo ka samaysan, oo xardhan dushana hagoog ku leh. ld maamuusiyad.
maamuusjab1 Sharafta iyo xushmadda oo la waayey ceeb dhacday darteed, maskabjab. ld naamuusjab¹. maamuusjab2 Ceeb dhacday awgeed, sharaf beelid (qof). ld naamuusjab². maamuusjebi Cid sharafta ka qaadid. ld naamuusjebi.
maamuusjebid eeg maamuusjab². ld naamuusjebid.
maamuusjebin eeg maamuusjebi. ld naamuusjebin.
maan1 Awoodda garashada ee qof leeyahay. maan2 1. Maalinta la joogo. 2. M.ta: beriga. 3. M.ta layl: maalinta oo idil. 4. M.tii saddexaad: maalintii saddexaad. 5. M.tii hore: maalmihii la soo dhaafay. ld maantay. maanac1 1. Diidmo, oggolaansho la'aan. 2. ld maanicid. maanac2 Ka m.: cid wax ka maammnuucid. maanacan Wax la mamnuucay ahaansho.
maanacnaan eeg maanacan. ld maanacnaansho.
maanacnaansho ld maanacnaan.
maanayeyn eeg maanyee.
maandha ld maandhay.
maandhaaf1 ld maandhaafid. maandhaaf2 Is m.: is-afgaranwaayid, isku khilaafid. maandhaafid eeg maandhaaf². ld maandhaaf¹.
maandhay Erey qof dheddig ah oo lala hadlayo, waalidna loo yahay, dareenkiisa lagu soo jeediyo. ld maandha.
maandhe Erey qof labood ah oo lala hadlayo, waalidna loo yahay, dareenkiisa lagu soo jeediyo. ld maandhow.
maandhow ld maandhe.
maandoobid eeg maandow².
maandoori 1. Cid maankeeda beddelid.2. Qof sakhraamin.
maandoorin eeg maandoori.
maandooriye Waxyaaba miyirka qofka lumiya sida khamriga, xashiishka iwm; mukhaddaraad.
maandoorsan Wax miyirkii ka lumay ahaansho (qof).
maandoorsanaan eeg maandoorsan. ld maandoorsanaansho.
maandoorsanaansho ld maandoorsanaan.
maandow1 M. ah: qof gabow awgiis wax la kala garan waayey. maandow2 Gabow awgiis wax la kala garan waayid (qof).
page : 988 of 1584
<< < 983 984 985 986 987 988 989 990 991 992 993 > >>