Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: dambeeto
makaan  1. Hooy; guri. 2. Ilmagaleenka haweenka.
makaanig  M. ah: qof yaqaan farsameynta matoorrada.
makaawi  Kuul waaweyn oo gadgaduudan oo dumarku ku xarragoon jireen.
makaay-aaramow  Ciyaar dhaqameed laga yaqaan Xamar iyo degaanka Jowhar.
makal1  Khatar weyn. makal2  Nafley waxyeelo weyn gaarsiin. makalaalax1  M. ah: Qof hurdo laga kiciyay oo aan weli baraarugin. makalaalax2  Qof hurdo ka kicid isagoon weli bogan. makalaalaxsan  Wax makalaalaxay ahaansho (qof).
makalaalaxsanaan  eeg makalaalaxsan. ld makalaalaxsanaansho.
makalaalaxsanaansho  ld makalaalaxsanaan.
makalaalixid  eeg makalaalax².
makalan  Wax waxyeelo weyn la gaarsiiyey ahaansho (nafley).
makalid  eeg makal².
makalnaan  eeg makalan. ld makalnaansho.
makalnaansho  ld makalnaan.
makaraan  1. Cadad, qori ah oo dhir gaar ah laga soo jaray, oo harag ku jallaadan oo caadaqaatayaashii hore, kolka wiilasha dhashay wax laga siiyo ay u xiri jireen. 2. Qardhaas; xirsi.
makaroofi  Qof dhib badan oo dhega-adag.
makas  1. Dadka inta garashadoodu gaabantahay; maangaab; caamo. 2. Ilmo aan weli caqli fiican yeelan. ld makasto.
makasto  ld makas.
makeekee  Cid wax ka qarin.
makeeko  Gogol.
makhaane  Suun dun ka samaysan oo fardaha madaxa loogu xiro. ld maqaame.
makhaasiin  ld maqaasiin.
makhaayaadle  Qof makhaayad leh. ld maqaayadle.
makhaayad  Meel cunto karsan lagu iibsado oo leh kuraas iyo miisas cuntada lagu cuno iyo shaqaale cuntada keena. ld makhaayo, maqaayad, maqaayo.
makhaayo  ld makhaayad.
makhabbiyad  Qof dumar ah oo gurigeeda ku dhowrsan oo aan loo oggoleen in ay dibadda u soo baxdo. ld makhabbiyo.
makhabbiyo  ld makhabbiyad.
makharje  M. ah: harar lagu naqshay midabbo kala duwan oo aan kala soocnayn.
page : 1014 of 1584
<< < 1009 1010 1011 1012 1013 1014 1015 1016 1017 1018 1019 > >>

 

Exit mobile version