Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: ismaandhaaf
masaafirsanow Qof dalkiisa laga masaafiriyey noqosho. ld masaafursanow, musaafursanow.
masaafo 1. Fogaan, dherer; meel inta loo socdo. 2. Ka fogeynta laga fogeeyo naag la doonayo in la mehriyo weligeeda (waalid, walaal iwm). 3. M. ah: naag lala baxay.
masaafoo Qof masaafo gelid.
masaafood eeg masaafoo.
masaafur (1) ld masaafir¹.
masaafur (2) ld masaafir².
masaafuri ld masaafiri.
masaafurid ld masaafirid.
masaafurin ld masaafirin.
masaafuris ld masaafirin.
masaafursan ld masaafirsan.
masaafursanaan ld masaafirsanaan.
masaafursanaansho ld masaafirsanaan.
masaafursanow ld masaafirsanow.
masaajid (1) 1. (dii.) Dhismo inta badan qubbad ama munaarad dheer dusha ku leh oo muslimiintu Eebbe ku caabudaan. 2. (dii.) Meel kasta oo u habaysan in muslimiintu Eebbe ku caabudaan.
masaajid (2) eeg masjid.
masaakiin eeg miskiin¹.
masaal ld misaal.
masaaliix eeg maslaxad.
masaamax (1) ld masaamixid.
masaamax (2) Qof cid dambi ka galey cafin. ld masabaax².
masaamaxan Wax la masaamaxay ahaansho (qof). ld masaabaxan.
masaamaxnaan eeg masaamaxan. ld masaabaxnaan, masaabaxnaansho, masaamaxnaansho.
masaamaxnaansho 1. eeg masaamaxnow. 2. ld masaamaxnaan.
masaamaxnow Wax la masaamaxay noqosho (qof). ld masaabaxnow.
masaamiir eeg musmaar¹.
masaamixid eeg masaamax². ld masaabax¹, masaabixid, masaamax¹.
masaanic eeg masnac.
masaar Qalab ka kooban daab iyo bir af leh oo geedaha iwm lagu gooyo; godin.
masaargaab M. ah: nin aan cilmi badan lahayn.
<< < 1036 1037 1038 1039 1040 1041 1042 1043 1044 1045 1046 > >>

 

Exit mobile version