maskarjabnaansho ld maskarjabnaan.
maskarjabsan ld maskarjaban.
maskarjabsanaan ld maskarjabnaan.
maskarjabsanaansho ld maskarjabnaan.
maskax 1. (c.nafl.) Dhuux weyn, cad lafta madaxa gudaheeda ku jirta oo xukunta garashada, hadalka, maqalka, aragga, dhadhanka, urta iyo dhaqdhaqaaqa nafleyda. 2. Garaad, caqli.
maskax-dambeed (c.nafl.) Qaybta dambe ee maskaxda ee ku dhereran ilaa iyo xangulaha. Shaqooyinka ay qabato waxa ka mid ah xidhiidhinta gujooyinka qaabilayaasha taabashada, maqalka iyo organnada dhadhanka. Waxa kale oo ay xukuntaa hababka iswada sida garaaca wadnaha, isku soo ururka iyo kala baxa dhuumaha dhiigga iyo falnaqyo kale duwan.
maskaxbuq ld madaxbuq.
maskaxfareed Xannun badan oo madaxa qabta. ld madaxfareed.
maskaxyaraan (daaw.) Caqli iyo garaad yaraan.
maskaxyari Maskax la'ahaansho. ld maskaxyaro¹ (2).
maskaxyaro1 1. Maskaxda qaybteeda dambbe ee qadaadka ku taal. 2. ld maskaxyari. maskaxyaro2 (c.nafl.) Qaybta maskaxda lafdhabarleyda ee khusaysa xidhiidhinta iyo joogtaynta waxqabadka muruqyada, waxaanay sugtaa baaxadda muruqa iyo dheellitirkiisa. Maskaxyarada naasleydu waxay ka koobantahay laba gibil oo isku xidhan, kaas oo ka samaysan maatar cad oo wareegsan iyo lakab sare oo aad u laalaaban. maskharo Ciyaar; kaftan.
maskharoo Ku m.: cid ku dheldheelid.
maskharood eeg maskharoo.
maskiin1 ld miskiin¹. maskiin2 ld miskiinad. maskiinad ld miskiinad.
maskiinnimo ld miskiinnimo.
maslax1 1. Heshiis la dhex dhigo laba dhinac ama ka badan oo muransan. 2. ld maslixid. maslax2 1. Laba qof oo dagaalsan heshiisiin. 2. Cid wax ay gocanayso ama ka carootey ku raaliggelin. maslaxaad ld maslixid.
maslaxad Dan, faa'iido. ld maslaxo.
maslaxo ld maslaxad.
maslixid eeg maslax². ld maslax¹ (2), maslaxaad.
masnac Warshad ama hooso.
maso 1. Abeeso; mas. 2. Abeeso-lugaley. ld manso.
masoobid ld misoobid.
masow ld misow.
masrad Mislaax; siraad; faynuus; laambad.
page : 1047 of 1584
<< < 1042 1043 1044 1045 1046 1047 1048 1049 1050 1051 1052 > >>