Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: meereysan
dhaqaaqjoogso Dhaqaaqjoogle samayn.
dhaqaaqsan 1. Wax dhaqaaq diyaar u ah ahaansho. 2. Wax meel ka durugsan ahaansho.
dhaqaaqsanaan eeg dhaqaaqsan. ld dhaqaaqsanaansho.
dhaqaaqsanaansho ld dhaqaaqsanaan.
dhaqabsasho eeg dhaqabso.
dhaqabso Carrabka wax ku cabbid.
dhaqad ld dhaqasho.
dhaqan (1) 1. Isu geynta nolosha maaddiga, ruuxiga, iyo bulsho ee ummadi leedahay, soona maray isbeddello taariikheed. 2. Asluub.
dhaqan (2) (bul.) Mid ka kooban fikrado, caadooyin, fan, farshaxan ay sameeysteen ama ay wadaagaan mujtamaca gaar ah.
dhaqan (3) 1. Nijaaso, wasakh iwm mayrmid. 2. Wax midab leh fasakhmid. 3. Haweeney gurigeeda si wanaagsan u maamulid. 4. Ku dh.: qalab, sharci iwm adeegsasho. 5. Ku dh.: guri iwm ku noolaan.
dhaqan (4) 1. Dhar iwm wax la meyray ahaansho. 2. Nafley wax ladan ahaansho. 3. Ku dh.: wax meel ku nool ahaansho.
dhaqandhaqaale Hab dhaqaale oo isku jaangoynaya bulsho hantideeda iyo nolosheeda.
dhaqandoorsoon Isbeddel ku dhaca dhaqan bulsho leedahay.
dhaqangal (1) 1. Dh. ah: hirgelinta la hirgeliyo sharci, barnaamij iwm. 2. ld dhaqangelid.
dhaqangal (2) Sharci, barnaamij iwm hirgelid.
dhaqangeli Sharci, barnaamij iwm hirgelin.
dhaqangelid eeg dhaqangal². ld dhaqangal¹ (2).
dhaqangelin eeg dhaqangeli. ld dhaqangelis.
dhaqangelis ld dhaqangelin.
dhaqanguur (1) 1. Dhaqan, dhaqan kale oo ka xoog badan dumiyey. 2. ld dhaqanguurid.
dhaqanguur (2) Dhaqan bulsho mid kale oo ka xoog badan ku beddelmid.
dhaqanguuri Bulsho, dhaqanguur ku ridid.
dhaqanguurid eeg dhaqanguur². ld dhaqanguur¹ (2), dhaqanguuris².
dhaqanguurin eeg dhaqanguuri. ld dhaqanguuris¹.
dhaqanguuris (1) ld dhaqanguurin.
dhaqanguuris (2) ld dhaqanguurid.
dhaqanhabaabi Cid dhaqanhabow ku ridid.
dhaqanhabaabid eeg dhaqanhabow². ld dhaqanhabow¹ (2).
dhaqanhabaabin eeg dhaqanhabaabi.
dhaqanhabaabis Dh. ah: qof bulsho ku beera dhaqanhabaabay.
<< < 101 102 103 104 105 106 107 108 109 110 111 > >>

 

Exit mobile version