mokhoddon ld mokhoddan.
mokhoor1 ld makhoorid. mokhoor2 ld makhoor². mokhoorid ld makhoorid.
mongolisam (daaw.) Nooc dhimanaasho garaad oo lagu dhasho, waxaana keena isbeddel ku dhaca koromosoomka lam. 21 oo noqda (3) saddex koromosoom meeshi laga rabey (2) labo. Astaamaha ugu waaweeyn: indhaha oo si dadban u jeexan sida dadka reer Mongooliya oo magaca cudurka laga soo xigtay, madax wareeg ah, kamas aad u muuqata calaacallo aan caadi ahayn, sida xarriiq keliya oo calaacasha dhexmareysa, gaabnaan, laalaab maqaareed, dhego yar-yar oo wareeg ah, carrab kala jeexan.
monosakaraydh (baay.) Kaarboohaydraytyo aan ku burburi karin falka asiidhada badhaxan.
moobah Ur la kahsado aanse qurunna ahayn sida meyraxda quraca, toonta iwm. ld moomah.
moobil Qalabka guryaha la dhigto, sida sariiraha, armaajooyinka iwm oo ka samaysan alwaax la qurxiyey.
mood1 1. Maalka inta aan xoolaha nool ahayn. 2. Meyd. mood2 Qorraxdu marka ay soo baxayso fallaaraheeda caadka qabta ee midabka quruxda badan yeesha. mood3 Erey duco ah oo madaxda loo dabbaaldegayo lagu yiraahdo; raag!. mood4 1. (f.g) Wax meel dhaafid. 2. (f.lg) Si gef ah wax, u qaadasho. Moodaale Roob Maqribkii da'a.
mooddo Sida wax la moodayo; male; fakar; ictiqaad.
moodid eeg mood².
moodo Hab.
moodsan Wax la dhafay ahaansho.
moodsanaan eeg moodsan. ld moodsanaansho.
moodsanaansho ld moodsanaan.
moodsasho eeg moodso.
moodsii Wax meel dhaafsiin ama gudbisiin.
moodsiin eeg moodsii. ld moodsiis.
moodsiis ld moodsiin.
moodso Wax gudbisasho.
moofayn ld muufayn.
moofee ld muufee.
moofo ld muufo.
moog1 1. Kol; mar. 2. Kal; mile; jil. moog2 Cid aan ogeyn noqosho; aan wax ka ogeyn; cid aan wax aqoon noqosho. moogaan eeg moog². ld moogaansho.
page : 1086 of 1584
<< < 1081 1082 1083 1084 1085 1086 1087 1088 1089 1090 1091 > >>