Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: teershari
mu'min  (dii.) Qof awaamiirta Ilaahay siday ahayd u fuliya. ld muumin.
mu'minnimo  Mu'min ahaansho. ld muuminnimo.
mu'tamir  Shir weyne dad la soo doortay ay isugu yimaadaan oo arrimo gaar ah kaga hadlayaan.
mubaax  M. ah: fal aan samayntiisu dembi lahayn.
muc  1. Xudun. 2. Hadalka muxurkiisa.
mucaahido  ld micaahado.
mucaarad  Cid fikrad liddi ku ah.
mucaaradnimo  Mucaarad ahaansho.
mucaawinad  ld macaawino.
mucaawino  ld macaawino.
mucatab  Garab qodo.
mucayin  M. ah: wax la isla yaqaan ama la wada ogyahay.
mucjiso  1. Dhacdo aan horey loo arkin faliddeeduna aadanaha ku adagtahay. 2. Wax aad loola yaabo.
mucurteysan  U m.: wax, wax baahi weyn u qaba ahaansho. ld mucurtiyeysan.
mucurteysnaan  eeg mucurteysan. ld mucurteysnaansho, mucurtiyeysnaan, mucurtiyeysnaan.
mucurteysnaansho  ld mucurteysnaan.
mucurti  Baahi weyn. ld mucurto.
mucurtiyeysan  ld mucurteysan.
mucurtiyeysnaan  ld mucurteysnaan.
mucurtiyeysnaansho  ld mucurteysnaan.
mucurto  ld mucurti.
mucurtoo  U m.: wax baahi weyn u qabid.
mucurtood  eeg mucurtoo.
mud  Cad, tahar iyo baruur isugu jira oo shafka iyo candhada u dhexeeya (geel).
mud1  1. Shay badanaa fiiqan meel ku turqid. 2. Cid daawo durid. mudaa  Qalab wax lagu tolo oo kobotolana ka yar, mudacana ka weyn oo caarad ballaaran leh.
mudaaharaad1  ld muddaaharaad¹. mudaaharaad2  ld muddaaharaad². mudaaharaadid  ld muddaaharaadid.
mudaal  M. ah: qodax mudda oo jab yar ku reebta oo leh kaar badan.
page : 1091 of 1584
<< < 1086 1087 1088 1089 1090 1091 1092 1093 1094 1095 1096 > >>

 

Exit mobile version