Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: shukulan
muslinnimo (dii.) Muslin ahaansho.
musmaar (1) Bir yar alwaaxda layskula qabto, oo af dhuuban iyo sal ballaaran leh. ld musbaar¹.
musmaar (2) 1. Musmaar wax iskula dhejin. 2. Ku m.: cid,cid kale ku dirid. ld musbaar².
musmaaran Wax musmaar lagu dhuftey ahaansho. ld musbaaran.
musmaarasho eeg musmaaro. ld musbaarasho.
musmaarid eeg musmaar². ld musbaarid.
musmaarnaan eeg musmaaran. ld musbaarnaan, musbaarnaansho, musmaarnaansho.
musmaarnaansho ld musmaarnaan.
musmaaro Wax musmaar ku qodbasho. ld musbaaro.
musqul Dhismo yar oo gudihiisa uu ku yaal god lagu saxaroodo laguna kaadiyo; suuli. ld muqsul.
mustacmarad Dal xukun gumaysi ku hoos jira.
mustacmir Qof wax gumaysta.
mustagfi M. ah: qof hanti ku filan leh. ld mustakafi, mutakafi.
mustagfinnimo ld mustakafinnimo, mutakafinnimo.
mustakafi ld mustagfi.
mustakafinnimo ld mustagfinnimo.
mustaqbal Timaaddo; aayo.
mustareex (1) Dhib la'aan iyo nasiino; raaxo.
mustareex (2) Dhib la'aan iyo nasiino ku jirid.
mustareexi Cid u raaxayn.
mustareexid eeg mustareex².
mustareexin eeg mustareexi.
mustareexsan Wax raaxo ku jira ahaansho.
mustareexsanaan eeg mustareexsan. ld mustareexsanaansho.
mustareexsanaansho ld mustareexsanaan.
musuqmaasuq (1) Khayaamo, eex, iyo mardadabaan cidi ku dhaqanto.
musuqmaasuq (2) Khayaano, eex iyo mardadabaan cid kula dhaqmid.
musuqmaasuqid eeg musuqmaasuq².
musuraar (1) ld musaraarid.
musuraar (2) ld musaraar².
<< < 1104 1105 1106 1107 1108 1109 1110 1111 1112 1113 1114 > >>

 

Exit mobile version