Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: xarmasho
nikaaxi  ld nikaax².
nikaaxid  eeg nikaax². ld nikaaxin.
nikaaxin  ld nikaaxid.
nikaaxsan  Ku' n./u n.: naag nikaax ku xiranyahay ahaansho.
nikaaxsanaan  eeg nikaaxsan. ld nikaaxsanaansho.
nikaaxsanaansho  ld nikaaxsanaan.
nikaaxsasho  eeg nikaaxso.
nikaaxso  1. Naag nikaax ku xirasho (nin). 2. Naag, nin guursasho.
nikal  (kiim.) Curiye ka tirsan curiyayaasha kala guurka ee tusaha kalgalka oo dabiici ahaan u jira isagoo salfaydh ama silikeyt ah. Nikalka waxa loo adeegsadaa kalkaaliye ahaan marka la samaynaayo falgalka haydarojiineynta ee alkiinada, sida soo saaridda margariin, iyo birdhafyada lacagta. Summad Ni; bartadhalaalka 1450 C ; cufnaanta 8.9; tirada atamka 28; cufka atamka 58.7.
nikotiin  Maaddo aadanaha wax yeeleysa oo laga helo tubaakada.
nimcad  ld nicmo.
nimcee  ld nicmee.
nimceyn  ld nicmayn.
nimceysan  ld nicmeysan.
nimceysnaan  ld nicmaysnaan.
nimceysnaansho  ld nicmeysnaan.
nimco  ld nicmo.
nimcooley  ld nicmooley.
nin  1. Qof lab oo qaangaar ah. 2. Qof lab ah oo wanaag iyo karti dheeraad ah leh. 3. Labada qof ee isqaba midka lab; say.
nin la xoreeye  (niman ..., m.l) (taar.) Waqtiyadii hore addoonka marka la xoreeyo, beertiisa wuu falan jirey xorna wuu ahaa; xoryeel.
ningax1  Mayrax, maro iwm. oo qarka lagaga duubo haruub si uu weelka aad ugu qabsado. ld lingax¹, niggax¹. ningax2  Haruub qarka mayrax, maro, iwm ugu duubid si uu weelka aad ugu qabsado. ld lingax², niggax². ningaxan  Haan wax la ningaxay. ld lingaxan, niggaxan.
ningaxasho  eeg ningaxo. ld lingaxasho, niggaxasho.
ningaxnaan  eeg ningaxan. ld lingaxnaan, lingaxnaansho, niggaxnaan.
ningaxnaansho  ld ningaxnaan.
ningaxo  Haan ningax u yeelasho. ld lingaxo, niggaxo.
ningixid  eeg ningax². ld lingixid, niggixid.
ninhawleed  (nimanhawleed, m.l) Nin karti badan u leh shaqada.
ninkarmeed  Nin karti, geesinimo iyo deeqsinimo dheeraad ah leh.
page : 1139 of 1584
<< < 1134 1135 1136 1137 1138 1139 1140 1141 1142 1143 1144 > >>

 

Exit mobile version