Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: xarmasho
okorasho  eeg okoro.
okori  Nafley meel dedan roob ka gelin.
okorin  eeg okori.
okoro  Meel dedan roob ka gelid.
oksiin  (baay.) Koox ka tirsan walxaha koritaanka dhirta oo masu'uul ka ah dariiqooyinka ay ka mid yihiin kor u qaadidda koritaanka si uu unuggu u ballaadho, sugidda shiiqista figeed iyo bilaabidda samayska xididka marka la jaro.
oksijiin  ld ogsijiin.
oktet  (kiim.) Heertamarta deggan ee atam ee ay ku jiraan siddeed elektaroon. Dhammaystirka oktetku waxa uu keenaa degganaansho gaar ah, waana salka aragtida liiwis ee oktetka.
oktoobar  Sanad qorraxeedka bishiisa tobnaad.
ol'ole  Isku dubbarididda si dhakhso ah la isugu dubbarido hawl, arrin iwm. ld olole.
ol'olee  Olole samayn. ld ololee.
ol'oleyn  eeg ol'olee. ld ololeyn.
olkee  Hees iwm cod macaan oo dheer ku qaadid.
olkeyn  eeg olkee.
olko  Luuq macaan oo heesaha iwm lagu qaado.
ollog1  1. Daymo, fiiro. 2. Dhowaan. 3. Deris. ollog2  Wax si gaar ah u dayid. ollogid  eeg ollog².
ollogleh  U o.: wax meel u dhow ahaansho.
olmomid  eeg olmon.
olmon  U o.: wax awood u leh in uu ka hortago wax kale noqosho.
olol1  1. Holac. 2. Cida geela marka uu oomman yahay ama ubadkiisa waayo. olol2  1. Dab holcid. 2. Geel oomman ama ubadkiisa waayey ciyid. ololayn  eeg ololee. ld ol'olayn.
olole  ld ol'ole.
ololee  ld ol'olee.
ololi  1. Dab olol u yeelid. 2. Wax dab qabadsiin.
ololid  eeg olol².
ololin  eeg ololi.
ololsan  Wax ololay ahaansho (dab).
ololsanaan  eeg ololsan. ld ololsanaansho.
page : 1150 of 1584
<< < 1145 1146 1147 1148 1149 1150 1151 1152 1153 1154 1155 > >>

 

Exit mobile version