Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: xarmasho
oodgeddi  Xero ama guri diqoobay meel u dhow u rarid (xoolo).
oodgeddin  eeg oodgeddi. ld oodgeddis.
oodgeddis  ld oodgeddin.
oodgeddisasho  ld oodrogasho.
oodgeddiso  ld oodrogo.
oodid  eeg ood².
oodjiid1  1. Dhigidda maroodi dhigo ood weyn jidka raxantu marto si uu ugu xujeeyo arbaha raxanta wada. 2. Xuja adag oo cid la hor dhigo. 3. Calaamad geediga loo sameeyo si uusan u habaabin ood yar dhulka loogu jiido. oodjiid2  1. U o.: si uu u ogaado tabarta arbaha, jidka raxantu ku aroorto ood weyn dhigid (maroodi). 2. U o.: cid geeddi ah si aysan u habaabin calaamad u sameyn. 3. U o.: cid xuja adag hor dhigid. 4. U o.: cid wax dooneysa qadin. oodjiidid  eeg oodjiid².
oodkac1  Hilib yaryar oo shiilan oo keyd gala; muqmad. oodkac2  Hilib muqmad ka dhigid. oodkacan  Wax oodkac laga dhigay ahaansho (hilib).
oodkacasho  eeg oodkaco.
oodkacnaan  eeg oodkacan. ld oodkacnaansho.
oodkacnaansho  ld oodkacnaan.
oodkaco  Hilib oodkac ka dhigasho.
oodkicid  eeg oodkac².
oodmid  eeg oodan³.
oodnaan  eeg oodan4. ld oodnaansho.
oodnaansho  ld oodnaan.
oodo  Xero iwm ood ku wareegsasho.
oodqaad1  ld geedqaad¹. oodqaad2  ld geedqaad². oodqaadid  ld geedqaadid.
oodrogasho  eeg oodrogo. ld oodgeddisasho.
oodrogo  Meel degalowday meel u dhow uga guurid. ld oodgeddiso.
oof  1. Saableyda dadka labadeeda dhinac midkood. 2. Xanuun daran oo saableyda ku dhaca.
oofasho  eeg oofo.
oofato  Dad yar oo hubeysan oo wax dhaca, waxna laaya.
oofayn  eeg oofee.
page : 1152 of 1584
<< < 1147 1148 1149 1150 1151 1152 1153 1154 1155 1156 1157 > >>

 

Exit mobile version