Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: shukulan
qaaje 1. Midab caddaan ah oo ay farduhu yeeshaan. 2. Qof midabka jirkiisa iyo tintiisaba aad u casyihiin. ld qaajay.
qaajeer Uskag cad oo jirka dadka, dharka iwm ku samaysma marka uu dhidid ama qoyaan gaaro isaga oo wasaq leh.
qaajo ld gaajo.
qaajoo ld gaajoo.
qaajood ld gaajood.
qaal 1. Laamaha cardunka ah ee ka soo baxa dhir roob ku da'ay. 2. Dhegaha ariga. 3. ld qaali.
qaalaamarogad ld qaalmarrogasho.
qaalaamarrogasho ld qaalmarrogasho.
qaalaamarrogo ld qaalmarrogo.
qaalalyo Caloosha oo kacda ama dacaroota oo sida wax laqanyaysan ay xooluhu la noqdaan, marka ay cunto ama biyo iska badshaan.
qaalalyoo Qaalalyo ku dhicid (xoolo). ld qaalalyow.
qaalalyoobid ld qaalalyood.
qaalalyood eeg qaalalyoo. ld qaalalyoobid.
qaalalyow ld qaalalyoo.
qaalee ld qaaliyee.
qaaley Qof aan dhergin.
qaaleyn ld qaaliyeyn.
qaali 1. Q. ah: wax qiimihiisu badanyahay. 2. ld qaal (3). ld qaal.
qaalib Sida qaalibka ah: sida loo badan yahay.
qaaligarayn eeg qaaligaree.
qaaligaree Wax qaali ka dhigid.
qaaligaroobid eeg qaaligarow.
qaaligarow Wax qaali ah noqosho.
qaalin (1) Neef geel oo lab ah oo aan da'dii rarashada weli gaarin.
qaalin (2) Neef geel ama lo' ah oo aan weli gaarin da'dii curashada.
qaaliyee Wax qaali ka dhigid. ld qaalee.
qaaliyeyn eeg qaaliyee. ld qaaleyn.
qaaliyoobid eeg qaaliyow. ld qaaloobid.
qaaliyow Wax qaali noqosho. ld qaalow.
qaalli Garsoore diinta Islaamka wax ku xukuma. ld qaaddi.
<< < 1156 1157 1158 1159 1160 1161 1162 1163 1164 1165 1166 > >>

 

Exit mobile version