qandhasho eeg qandho². ld qandhood.
qandhee Qandho kicin. ld qandhi.
qandheyn eeg qandhee. ld qandhin.
qandheysan Nafley ay qandho hayso ahaansho.
qandheysnaan eeg qandheysan. ld qandheysnaansho.
qandheysnaansho ld qandheysnaan.
qandhi ld qandhee.
qandhicil Ugxaanta yaryar oo cadcad oo ay injirtu dhasho.
qandhin ld qandheyn.
qandhiso Booddo.
qandho1 1. Xummad. 2. Jirro. 3. Duumo. qandho2 (daaw.) Kulka jirka oo ka saramara kulka caadiga ah ee jirka: haddii afka laga cabbiro waxa weeye: 98,6° F oo u dhiganta 37° C. Haddii futada laga cabbirana waxa weeye = 99° F oo dhiganta = 37° C. qandho3 Cid jirro ku dhicid. ld qandhoo. qandho-baaratifo (daaw.) Cudur la isqaadsiiyo oo uu keeno baktiiriyada salmonella baaratiifay: (A, B, iyo C). Baktiiriyada waxay ku badantahay saxarada bukaannada cudurkaas qaba iyo kuwa cudur sidayaasha ah oo aan bukin - wuxuuna cudurkaasu dillaaca markii nadaafad xuma u badato ama si aan fayodhowr lahayn oo cunno loo aqoolo. Kalhuuriska oo ah 1-10 maalmood, ka dib astaamo ay ka mid yihiin; shuban, qandho ladifan iyo firiiric ka soo baxa laabta, ayaa bilowda waxayna socdaan muddo toddobaad ah.
qandho-tifow (daaw.) Cudur la isqaadsiyo oo ku dhaca xubnaha qaybta dheefshiidka, waxaana keena baktiiriyada “salmonella typhi”. Astaamo: itaaldarro, qandho badan, finan ka soo baxa laabta iyo jirka ka hooseeya, qarqaryo, dhidid iyo halaamacood lafaha iyo beeryarada (xaaladaha daran) dhiigbax ka yimid xiidmaha oo dalooshama, iskudaran. Waxaa laga qaadaa cunno ama biyo uu gaaray saxaro qof qaba cudurka ama qof sida jeermigiisa oo aan bukin (carriers).
qandhoo ld qandho².
qandhood eeg qandhoo. ld qandhasho.
qandhuufad ld qandhuufasho.
qandhuufasho eeg qandhuufo². ld qandhuufad, qanjaruufad, qanjaruufasho.
qandhuufo1 Far iyo suul ciddiyahooda oo xoog meel qof jirkiisa ka mid ah loogu qabto si loo xanuujiyo. ld qanjaruufo¹. qandhuufo2 1. Far iyo suul ciddiyahooda cid ku xanuujin. 2. Cid hoos ugu baaqid. ld qanjaruufo². qandhuur Siil.
qandi Kolay yar oo wax lagu gurto.
qandici Wax in yar kululayn.
qandicid eeg qandac².
qandicin eeg qandici. ld qandicis.
qandicis ld qandicin.
qandiir1 Wax kulkoodu yaryahay. qandiir2 Wax in yar kululaansho. qandiiri Wax in yar kululayn.
page : 1187 of 1584
<< < 1182 1183 1184 1185 1186 1187 1188 1189 1190 1191 1192 > >>