Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: karkoor
qanweyn Wax jurmi weyn leh ahaansho.
qanweynaan eeg qanweyn. ld qanweynaansho.
qanweynaansho ld qanweynaan.
qanyar Wax jurmi yar ahaansho.
qanyaraan eeg qanyar. ld qanyaraansho.
qanyaraansho ld qanyaraan.
qaqaan ld qaanqaanni.
qaqabow ld qabqabow.
qaqashaaf Wax la waayey dhowr meel ka raadraadin.
qaqashaafid eeg qaqashaaf.
qar (1) 1. Buur dheer oo dhagax ah; cal. 2. Meesha u korreysa oo ku dhammaado (weel); af. 3. Gow (bohol, ceel, webi); daan.
qar (2) (juqr.) Dhadhaab leh weji ay tiradiisu ku dhawdahay qonton, ha ahaato meel berri ah amase bad.
qar-iskatuur Naftihallig. ld jar-iskatuur.
qar-iskatuurnimo Naftihallig ahaansho. ld jar-iskaxoornimo.
qar-iskaxoor ld jar-iskatuur.
qar-iskaxoornimo ld jar-iskaxoornimo.
qaraab (1) 1. Miro, xabag iwm. oo duurka ka baxa oo la cuno. 2. Hunguri, lacag iwm aan la shaqeysan oo meelo laga soo shaxaado.
qaraab (2) Soo q.: 1. Miro, xabag iwm duur ka doonid. 2. hunguri, lacag iwm la shaqaysan meelo ka shaxaadid.
qaraabaggoo Qaraabo, daryeelid la'aan.
qaraabaggooyn eeg qaraabaggoo. ld qaraabaggooys.
qaraabaggooys 1. Q. ah: qof aan qaraabadiisa daryeelin. 2. ld qaraabaggooyn.
qaraabakiil (1) Eexasho qaraabannimo awgeed loo sameeyo. ld karaabakiil¹, qaraabakiilid.
qaraabakiil (2) Cid qaraabannimo awgeed ugu eexasho.
qaraabakiilid eeg qaraabakiil². ld qaraabakiil¹, karaabakiil¹.
qaraabaqansax Qaraabannimo aan dhaweyn.
qaraabasho eeg qaraabo².
qaraabaysad ld qaraabaysasho.
qaraabaysasho eeg qaraabayso. ld qaraabaysad.
qaraabayso Cid qaraabo ka dhigasho.
qaraabid eeg qaraab².
<< < 1185 1186 1187 1188 1189 1190 1191 1192 1193 1194 1195 > >>

 

Exit mobile version