Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
qiirood  eeg qiiroo.
qiixdheer  Cudur badanaa carruurta ku dhaca oo leh qufac, neefraac iyo matag.
qilqiil  Xaalad adag ama halis ah oo lagu sugnaado.
qindi  Qalab dibida lagu xiro oo beerta lagu falo.
qir  Arrin doodi ka taagneyd caddeyn.
qiraal  Caddeynta la isku caddeeyo arrin doodi ka taagnayd eeddeeda.
qirasho  eeg qiro².
qirayn  eeg qiree. ld qarayn.
qirdaas  ld qardaas.
qiree  Wax qiro u yeelid. ld qaree.
qirid  eeg qir.
qirinqiir  ld qiiraqiiro.
qiro1  Inta xalleefsanaanta ballaarku le'egyahay; dhumuc; baaxad. ld qaro. qiro2  Qof fal in uu sameeyey caddeyn. qirsan  Qof fal uu sameeyey qiray ahaansho.
qirsanaan  eeg qirsan. ld qirsanaansho.
qirsanaansho  ld qirsanaan.
qisaas1  Dilka sharci ahaan loo dilo qof qof kale dilay. qisaas2  Qof, qof kale dilay si sharci ah u dilid. qisaasan  Qof qisaas loo haysto ahaansho.
qisaasid  eeg qisaas².
qisaasnaan  eeg qisaasan. ld qisaasnaansho.
qisaasnaansho  ld qisaasnaan.
qisayn  eeg qisee. ld qisood.
qisee  1. Ka q.: sheeko cid ama arrin ku saabsan cid u sheegid. 2. U q.: cid u skeekayn.
qish1  Si tuugannimo ah oo imtixaan looga shaqeeyo. ld qishid. qish2  Imtixaan si tuugannimo ah uga shaqayn. qishid  eeg qish². ld qish¹.
qiso  1. Sheeko; taariikh. 2. Wax dhacay; war.
qisoo  ld qisee.
page : 1214 of 1584
<< < 1209 1210 1211 1212 1213 1214 1215 1216 1217 1218 1219 > >>

 

Exit mobile version