Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: qar-iskaxoor
qoronful  ld qaranful.
qoroqoro  Qalab bir ka samaysan oo baalid ah.
qoroqoronimo  Wax qoroqoro ah ahaansho (qalab bir ah).
qoroqoroobid  eeg qoroqorow.
qoroqorow  Qalab bir ah qoroqoro noqosho.
qorqode  Q. ah: nin afadiisa si fool xun kula dhabiiltama siiba maamulka hoose, cunnada iyo masruufka.
qorqoran  Qof qurxan oo aan hilib badan lahayn ahaansho.
qorqornaan  eeg qorqoran. ld qorqornaansho.
qorqornaansho  ld qorqornaan.
qorraaje  Maroodi lab.
qorrato  Jaad la bah ah goodaaddada ama qallajista oo ku nool guryaha iyo geedaha.
qorrax  Meeraha dhulka ku wareego oo uu ka helo kulka iyo ifkaba; cadceed; gabbal.
qorrax-soobax  Waqtiga ay qorraxdu dhulka u soo baxdo.
qorraxayn  eeg qorraxee. ld orraxayn.
qorraxaysad  ld qorraxaysasho.
qorraxaysan  Wax qorrax la dhigay ahaansho.
qorraxaysasho  eeg qorraxayso. ld qorraxaysad, qorraxaysi.
qorraxaysi  ld qorraxaysasho.
qorraxaysnaan  eeg qorraxaysan. ld orraxaysnaan, orraxaysnaansho, qorraxaysnaansho.
qorraxaysnaansho  ld qorraxaysnaan.
qorraxayso  1. (f.g) Wax qorrax u dhigid. 2. (f.mg) Cid qorrax isu dhigid.
qorraxdhac  1. Waqtiga ay qorraxda godkeeda gasho; maqrib. 2. Jahada ay qorraxdu u dhacdo.
qorraxdheere  Xilli jiilaal oo aad u kulul oo aan roob Jirin.
qorraxee  Wax qorrax u dhigid.
qorraxmadoobaad  Marka dayaxu kala dhex galo dhulka iyo qorraxda ee qorraxda qaarkeed qarsoomo.
qorraxoo  Wax kuleyl badan ku dhacay noqosho.
qorraxood  eeg qorraxoo.
qorraxsad  ld qorraxsasho.
qorraxsasho  eeg qorraxso. ld qorraxsad, qorraxsi.
qorraxsi  ld qorraxsad.
page : 1227 of 1584
<< < 1222 1223 1224 1225 1226 1227 1228 1229 1230 1231 1232 > >>

 

Exit mobile version