qufnaan eeg qufan. ld qufnaansho.
qufnaansho ld qufnaan.
qufo Wax meel ay ka buuxeen koox koox uga soo saarasho.
qufraan Dembi dhaaf Ilaah bixiyo.
quful1 1. (-llo, m.dh) Xubinta taranka ee gammaanka lab. 2. ld qafil 1. 3. qafilid. quful2 ld qafil². qufulad ld qafilid.
qufulan ld qafilan.
qufulasho ld qafilasho.
qufulid ld qafilid.
qufulnaan ld qafilnaan.
qufulnaansho ld qafilnaan.
qufulo ld qafilo.
qujayn eeg qujee. ld qujays.
qujays ld qujayn.
qujee 1. Cid wax ku mudmudid si looga xanaajiyo. 2. Meel duleesha wax ku gufayn. 3. Cid hadal ay kahsanayso ku dhihid.
qul 1. Amuur. 2. Maqaar weyn qaab jawaan u tolan oo badar lagu shubto.
qulaami 1. Ku q.: qof jirran jeenan siin. 2. ku q.: nafley wax ay cabto si khasab ah afka ugu shubid.
qulaamin eeg qulaami. ld qulaamis.
qulaamis ld qulaamin.
qulaan 1. Weel naas ama ib leh oo dadka aan wax cabbi karin wax lagu cabsiiyo. 2. Warqadaha turubka mid ka mid ah oo wiil ku sawiranyahay oo u dhexeeya raanida iyo tobonlaha.
qulaanqulshe (c.nafl.) Qaybta hore ee hunguri cadka afar addinleyda lafdhabarta leh, halkaasi oo berribiyoodka, xammaaratada, iyo naasleydu ay ku leeyihiin anduuqyada codka. ld qulaanqulye.
qulaanqulye Muruq iyo carjaw isku dhafan oo hunguri cadka korkiisa ku yaal. ld qulaanqulshe.
qulban Turub wax la qulbay ahaansho.
qulbanaan eeg qulban.
qulbi (iyay, -isay) Ciil iyo murugo cid ku beerid. ld qulubsii.
qulbid eeg qulub².
qulbin eeg qulbi. ld qulubsiin.
qullatayn 1. Dar ama berkad dusha ka feedan oo masaajiddada loo dhiso oo lagu weysaysto. 2. Qiyaas biyo ah oo si sahlan aan u nijaasoobin.
qulqul1 (fiis.) Summad I. Dhakhsaha uu saldanab ku dhexmaro gudbiye danab. Halbeegga Caalamiga ah (H.C.) ee qulqulka danab waa ambiyeer (A).
page : 1232 of 1584
<< < 1227 1228 1229 1230 1231 1232 1233 1234 1235 1236 1237 > >>