Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: awaaji
rajal Bil dayaxeedda saddexaad ee taariikhda Soomaaliga ee u dhexeysa Mowliid iyo Sabbuux.
rajannimo Ilmo yar rajo ahaansho. ld rajaynimo.
rajay (1) Wiil yar oo hooyadii dhimatay.
rajay (2) Gabar yar oo hooyadeed dhima-tay.
rajayn eeg rajee.
rajayn (1) eeg rajee. ld rejeyn.
rajaynnimo ld rajannimo.
rajci Qof ka soo horjeeda horumarka nololeed; dibusocod.
rajcinnimo Rajci ahaansho (qof).
rajciyad Fikrad dibusocodnimo.
rajee (1) Ilmo yar rajo ka dhigid.
rajee (2) Filasho. ld rejee.
rajiimi 1. Dheri si tartiib ah deb uga qaadid. 2. Sheydaan iska naarid. “Shaydaanka iska rajiimi.”
rajiimin eeg rajiimi. ld rajiimis.
rajiimis ld rajiimin.
rajmi (1) Dhagax ku dilidda qof sinnaystay.
rajmi (2) Qof nikaax xalaal ah soo maray oo sinaystay dhagax ku dilid.
rajmiyid eeg rajmi².
rajo (1) Ilmo yar-yar oo hooyadood dhimatay.
rajo (2) Filashada la filanayo wax la heli doono. ld rejo.
rajokoris Dabshidka iyo aqalka meesha u dhexeysa.
rajoobid eeg rajow.
rajow Ilmo yar rajo noqosho.
rakaab 1. Bir ka lalmata kooraha labadiisa dhinac midkood. 2. Qoryo ceelasha afkooda lagu sameeyo si loogu shubo ama loogu galo. 3. Dad gaadiid raacay.
rakaabsad ld rakaabsasho.
rakaabsasho eeg rakaabso. ld rakaabsad, rakaabsi.
rakaabsi ld rakaabsasho.
rakaabso 1. Rakaab gaadiid ku rarasho. 2. Qof gaadiid fuulid.
rakaad (1) Xoolo biyo cabbiddooda ka kamiin jabay marka labaad ee ay ku laabtaan. ld rakaadid.
rakaad (2) 1. Muddo hal seken ah inta hir ee ka gudba bar. 2. Inta walhasho ee walhade sameeyo muddo hal seken ah. 3. Inta goor ee uu ku dhex dhaco waqdhac ama la fisho in uu ku dhex dhaco koox ama qayb huban.
<< < 1252 1253 1254 1255 1256 1257 1258 1259 1260 1261 1262 > >>

 

Exit mobile version