Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: iimee
roobbeeg Qalab lagu cabbiro heerka roob da'ay.
roobdhaxaad R. ah: hal riman oo sidkeedii kala bar marayo.
roobdoon (1) Baryo banbax leh oo Alle roob lagu weyddiisto.
roobdoon (2) Alle roob weyddiisasho.
roobdoonid eeg roobdoon².
roobgaras Roob xilliga diraacda ah da'a.
roobi 1. Roobdoon akhriyid. 2. Roob saadaalin.
roobin eeg roobi.
roobladhac Cayayaan jurmi yar oo midab guduudan leh oo kudkudaha u eg oo la arko marka roob da'o kaddib.
roobraac (1) U guuridda loo guuro meel roob ka da'ay.
roobraac (2) Nafley meel roob ka da'ay aadid.
roobraacid eeg roobraac².
roobsad ld roobsasho.
roobsasho eeg roobso. ld roobsad.
roobso Roob helid.
roobsugow Furuuruc yaryar oo oogada dadka ka soo yaaca waqtiga kulaylaha ah; xaraarad.
roogsasho eeg roogso. ld roogsi, rorogsasho, rorogsi.
roogsi ld roogsasho.
roogso 1. Qof fadhiyey istaagid. 2. Qof socda joogsasho. ld rorogso.
rookayn eeg rookee.
rookee Wax rooko ka dhigid.
rooko Joojinta la joojiyo wax isticmaal-kooda.
roomad Ul dheer, dhumuc weyn oo guryaha miyiga iyo carshaanta lagu dhiso.
roon Cid aan dhibaato qabin ahaansho.
roonaan eeg roon. ld roonaansho.
roonaansho eeg roonow. ld roonaan.
roonayn eeg roonee.
roone Ilaah; Eebbe.
roonee Wax kordhin.
roonow Wax roon noqosho.
<< < 1270 1271 1272 1273 1274 1275 1276 1277 1278 1279 1280 > >>

 

Exit mobile version