ruubid eeg ruub². ld ruubin, ruubis.
ruubin ld ruubid.
ruubis ld ruubid.
ruubo Ciid jilicsan iwm dhexgelid, ku dhex librid.
ruud Qoryo waaweyn oo dogobta laga jeexjeexo dabkana lagu shito.
ruug1 1. Meesha ay iska galaan bowdada iyo dhudhunka; jilib; low. 2. Madaxa kuusan ee laba lafood iska galaan. ruug2 1. Wax adag calaalin. 2. Arrin si wanaagsan uga baaraandegid. ruugaami Jaan iyo jiib cayaar la raacid.
ruugaamin eeg ruugaami. ld ruu-gaamis.
ruugaamis ld ruugaamin.
ruugaan Habka jiib, jaan iyo sacab isku dubbadhacsani u dhadhammaan.
ruugan Wax la ruugay ahaansho.
ruugcadde Nin da'weyn oo karti iyo waaya-aragnimo badan leh.
ruugid eeg ruug².
ruugmaraar Oday xooggan.
ruugnaan eeg ruugan. ld rug-naansho.
ruugnaansho ld ruugnaan.
ruum Nooc khamrada ka mid ah oo aalkolku ku badan yahay.
ruumi Nooc gogosha guryaha dhulkooda lagu fidsado ka mid ah oo qurxan, adag oo dhogor leh.
ruun Meel degaan ku habboon.
ruunbax Cagaar badan oo ku yaal meel la degi jiray.
ruuq Cunno qoyan oo jilicsan, afka ku cunid, ku bashuuqsasho.
ruuqaansad ld ruqaansasho.
ruuqaansasho ld ruqaansasho.
ruuqaansi ld ruqaansasho.
ruuqaanso ld ruqaanso.
ruuqid eeg ruuq.
ruur R. ah: dad, alaab iwm oo da'weyn gaaray.
ruuri Wax gaboobay xannaaneyn.
ruurin eeg ruuri.
page : 1282 of 1584
<< < 1277 1278 1279 1280 1281 1282 1283 1284 1285 1286 1287 > >>