saaq1 1. Dhir geedaha kale ku faalasha. 2. Lacag ka mid ah sarrifka rubbiyadaha oo u dhiganta laba caanadood oo waayadii hore la isticmaali jirey. saaq2 1. Dhir geedo kale ku faalalid. 2. Xanuun, sun iwm jirka ku fidid. 3. Ur dareemid. saaqan (fiis.) Isbeddelka ku dhaca xaaladda walax ayna sababtay badad xoog.
saaqan1 Wax wareersan noqosho. saaqan2 1. Wax wareersan ahaansho. 2. Qof, wax la saaqay ahaansho. ld saaqsan. saaqid saaqid1 1. Nin liita oo aan meelna ku wanaagsanayn. 2. Arday waxbarasho la socon waayey. saaqid2 eeg saaq². saaqid3 1. Nin liita oo aan meelna ku wanaagsanayn noqosho. 2. Qof imtaxaan ku dhicid. saaqid birlabdanabeed (fiis.) Xoog danab-wadaha ku abuurma mareeg danab ayna ugu wacantahay mareegta iyo badad birlabeedka isdhexmaraaya, ama isbeddel-ka ku dhaca burqad birlabeedka jaraaya mareegta danab. X.d.w. saaqmay waxuu abuuraa qulqul danab oo u socda jihada uu sheegayo xeerka Lenz.
saaqid danab Saaqid birlabdanabeed.
saaqidad Naag liidata oo aan meelna ku wanaagsanayn.
saaqidid eeg saaqid³.
saaqmid eeg saaqan¹.
saaqnaan eeg saaqan². ld saaqnaansho, saaqsanaan, saaqsanaan-sho.
saaqnaansho ld saaqnaan.
saaqniin (fiis.) Astaanta ay leedahay mareeg danab, ee u suurtogelisa isbeddelka qulqulka danabka maraaya mareegta in uu ku
saaqo mareegta, waxana bada-naaba loo yaqaanaa laftii-saaqniin.
saaqsan ld saaqan².
saaqsanaan ld saaqnaan.
saaqsanaansho ld saaqsanaan.
saaquun 1. Qof haween ah oo aan waxtar iyo caqli midna lahayn. 2. Wax caato ah, aanna dhaleyn ahaansho (lax).
saaquunnimo 1. Haweeney aan caqli iyo waxtar lahayn ahaansho. 2. Wax caato ah, aanna dhaleyn ahaansho (lax).
saar1 1. (bot.) Dhirta faalasha nooc ka mid ah oo caleemo yaryar iyo laamo jilicsan leh oo geedaha ku dul faafa geeluna aad u jecelyahay. 2. Cayaar jaadad badan u kala baxda oo siyaalo kala duwan loo tumo; saar-lugeed, saar-mooye. saar2 1. Wax meel dhulka ka sarreysa dhigid. 2. Ka s.: wax meel ka bixin. 3. Ku s.: meel col u dirid. saaran Wax meel dhulka ka sarreysa la dhigay ahaansho.
saarasaare Geed faalala, leh caleemo iyo laamo jiljilicsan oo dhirta kale ku saaqa.
saarasho eeg saaro.
saardiin Kalluun badeed lullumada u eg oo badanaa la qasacadeeyo.
saari Maro badanaa xariir ah oo dumarka hindidu qaataan oo guntiino iyo hagoogba u ah.
saarid eeg saar².
page : 1289 of 1584
<< < 1284 1285 1286 1287 1288 1289 1290 1291 1292 1293 1294 > >>