Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: muqmadaysnaan
sambac  S. ah: qof caqli yar oo garashadiisu liidato, nacas, doqon. ld sabbac.
sambacaraar  Sanka intiisa hore oo jilicsan. ld sambacaroor.
sambacaroor  ld sambacaraar.
sambal  Qayb yar oo badeeco ka mid ah oo cid wax gadanaysa la tuso.
sambanneeye  Geed-nagaar laamo iyo caleemo jilicsan leh oo aan qodax lahayn oo sanboorka iyo cudurro badan lagu daaweeyo.
samboor1  Cudur sanka dadka ku dhaca oo hindhiso badan, san cuncun iyo dhibaa-tooyin kaleba keena. samboor2  (daaw.) Kahsi ka yimaada budada ubaxa geedaha oo keena halaamacoodka sanka dhexdiisa iyo mararka qaarkood indhaha. Astaan: hindhiso badan. samboor3  Samboor qaadid. samboorid  eeg samboor³.
sambuuq1  Doonta yar. sambuuq2  ld sambuuqo. sambuuqo  Sanka xoolaha intiisa hore oo jilicsan. ld sambuuq².
sambuus  ld sambuusi.
sambuuse  ld sambuusi.
sambuusi  1. Bur saddex gees leh oo hilib shiidan iyo qudaar basbaas leh gudaha uga jiraan oo lagu shiilo. 2. Guri saqafkiisu weji waliba saddex-gees u egyahay. ld sambuus, sambuuse.
samcan  Nafley karti, awood, qurux iwm oo kuwa kale kaga duwanyahay leh ahaansho.
samcanaan  eeg samcan. ld samcanaansho.
samcanaansho  ld samcanaan.
samee  1. Wax hagaajin. 2. Fal ku kicid.
sameelo  Meel geedo badan oo isku baxay leh oo inta roob ku da'ay aan weli la daaqin.
samhariira  Naar ka mid ah toddobada naarood. ld saciira.
sami  ld samaan.
samiil  ld sabiil.
samir1  Dulqaad iyo adkaysi dhibaato loo yeesho. ld sabar¹. samir2  Dulqaad iyo adkaysi dhibaato u yeelasho. ld sabar². samirsan  Wax samray ahaansho.
samirsanaan  eeg samirsan. ld samir-sanaansho.
samirsanaansho  ld samirsanaan.
samirsii  1. Qof samir gayeysiin. 2. Qof wax uu ku sabro siin ama u sheegid. ld sabarsii.
samirsiin  eeg samirsii. ld sabarsiin, sabarsiis, samirsiis.
page : 1310 of 1584
<< < 1305 1306 1307 1308 1309 1310 1311 1312 1313 1314 1315 > >>

 

Exit mobile version