Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: muqmadaysnaan
sani  Wax urin (xoolo).
saniifad  Gabal maro ah oo lagu tolo maro kale oo ka midab duwan. ld saanifad.
sanin  eeg sani.
sanis  S. ah: ugaar halis horay uga baxsatay oo fiigsan.
sankahadlid  Islweyni; kibir.
sankuneefle  1. Wixii naf ku jirto oo dhan. 2. Dad.
sannaabayn  eeg sannaabee. ld sannahaabayn.
sannaabee  Cunto yar oo aan ku filnayn qof weyn siin. ld sannahaabee.
sannaabo  Cunto yar oo aan qof weyn ku filnayn. ld sannahaabo.
sannaadi  S. ah: qof kibir badan.
sannaar  Si joogto ah u qaylin.
sannaari  1. Ka s.: nafley ka qaylisiin. 2. Ka s.: wax ka dhawaajin.
sannaarid  eeg sannaar.
sannaarin  eeg sannaari.
sannad  Waqti hal mar dhulku qorraxda ku wareego oo u dhiganta 365 maalmood ama laba iyo toban (12) bilood. ld sanad.
sannad-if  Socodka uu sameeyo ilyska sannadkiiba.
sannadguuro  Xus la sameeyo sanadkiiba mar iyadoo lagu maamuusayo dhacdo weyn. ld sanag-guuro.
sannahaabayn  ld sannaabayn.
sannahaabee  ld sannaabee.
sannahaabo  ld sannaabo.
sannif1  1. Gabay iwm oo la curiyo. 2. Dhaawac yar oo aan haragga dhaaf-sanayn. ld sannifaad. sannif2  1. Wax hor leh hindisid. 2. Dhaawac aan haragga dhaafsanayn cid gaarsiin. 3. Cid sabab la'aan ugu xanaaqid. sannifaad  1. Curinta wax la curiyo. 2. Xanaaqidda sabab la'aan wax loo xa-naaqo. 3. Dhaawac yar oo xabbad, waran, iwm jirka nafleyda gaarsiiyaan. 4. ld sannif¹.
sannifan  Wax la sannifay ahaansho.
sannifasho  eeg sannifo.
sannifid  eeg sannif².
sannifnaan  eeg sannifan. ld sannif-naansho.
sannifnansho  ld sannifnaan.
sannifo  Wax hor leh hindisasho.
sano  ld sannad.
page : 1313 of 1584
<< < 1308 1309 1310 1311 1312 1313 1314 1315 1316 1317 1318 > >>

 

Exit mobile version