Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: muqmadaysnaan
sawirnaansho  ld sawirnaan.
sawirnimo  Sawir ahaansho.
sawjar  Askeri caddaan ah oo aan derejo lahayn. ld sowjar.
sawjarnimo  Askeri ahaansho. ld sowjarnimo.
sawlac1  Heerka bislaanshaha miraha ee ka horreeya qallaylka. sawlac2  Heerka bislaan-shaha miraha ee qallaylka ka horreeya gaarid. sawlacid  eeg sawlac².
sawlacsan  Wax sawlac gaaray ahaansho (miro).
sawlacsanaan  eeg sawlacsan. ld saw-lacsanaansho.
sawlacsanaansho  ld sawlacsanaan.
sawlax1  Weyrax. sawlax2  Weyrixid. sawlaxid  eeg sawlax².
sawo  S. ah: isku mid ah oo aan wax is dheereyn.
sawrac  1. Meesha laga soo farcamay. 2. tilmaan, sifo shay, ummad ama qof gaar uleeyahay.
sax1  S. ah: wax aan qalad ahayn. sax2  Wax qalad ka bixin. saxaab  Daruur.
saxaafad  Habka, aqoonta iyo farsama-da loo isticmaalo war lagu baahinayo jara'-id.
saxaarad  Santuuq weyn oo alwaax ka samaysan oo wax lagu rito. ld seexaarad.
saxaax  Xubnaha taranka iyo meesha ay ku yaallaan.
saxad  ld saxasho.
saxafi  Qof aqoon u leh cilmiga saxaafadda. ld suxufi.
saxal  1. Meeraha u dhexeeya dhulka iyo Mariiqa; raage. 2. Waqti dhibaato badan oo qof mushkilaysanyahay. Tus. “Cali saxal baa haya”. 3. S. ah: qof nasiib daran oo la karahsado.
saxan1  1. Weel dhoob ama macdan iwm ka samaysan oo yara godan cuntadana lagu cuno. 2. Shay yar, fidsan, wareegsan oo heeso iwm ku duubanyihiin. ld sixni. saxan2  (jool.) Bedka guud ee biyo shubka u ah webi iyo laagihiis. saxan3  Wax la saxay ahaansho. saxansaxo  Neecaw qabow, udgoon oo roob soo hooray ka soo hormarta.
saxar  Cad qori, caws ama wax kale ka soo jabay, aad u yar oo dabayshu qaadi karto; firo.
saxar-qaad  (c.cimi.) Duufaan bus fara badan ka buuxisa gibilka taas oo aragga si la taaban karo u yaraysa, mararka qaarkoodna waxaaba uu gaaraa araaggu ilaa iyo eber.
page : 1323 of 1584
<< < 1318 1319 1320 1321 1322 1323 1324 1325 1326 1327 1328 > >>

 

Exit mobile version