seermaweydo Xilli roobab xoog badan da'aan oo bartamaha guga ah.
seernaan eeg seeran. ld seernaansho.
seernaansho ld seernaan.
seero Dhul iwm xuduud u samaysasho. ld seerayso.
sees1 1. Garangar yar oo qodxa ka taagtaagan yihiin oo weylaha gafuurka loo geliyo si aysan lo'da u nuugin. 2. Asaas; saldhig. 3. Nin ka shaqeeya xera-da fardaha. sees2 Weylo si aysan lo'da u nuugin garangar yar oo qodxo ka taagtaaganyihiin gafuurka u gelin. seesar Saxan yar oo wareegsan yarana godan oo korkiisa bakeerida la saarto, wixii ka soo daatana celiya.
seeseemmane Nooc ka mid ah kalluunka badda ku jira oo sida badan hoos aada.
seesid eeg sees².
seetadheerayn eeg seetadheeree.
seetadheeree 1. U s.: awr dabar u dheerayn. 2. U s.: cid muddo dheer u samrid.
seetayn eeg seetee.
seetaysad ld seetaysasho.
seetaysan Wax la seeteeyey ahaansho.
seetaysasho eeg seetayso. ld seetay-sad, seetaysi.
seetaysi ld seetaysasho.
seetaysnaan eeg seetaysan. ld see-taysnaansho.
seetaysnaansho ld seetaysnaan.
seetayso Awr seeto ku xirasho.
seetee Awr si uusan u fogaan labada addin oo hore xarig uga xirid.
seeto 1. Xiridda la isku xiro labada addin oo hore ee awrka. 2. Xargaha awrta lagu seeteeyo.
seexaarad ld saxaarad.
seexaari Noocyada timirta jaad ka mid ah oo aan qiimo badan lahayn oo isku dhegdhegta.
seexad ld seexasho.
seexasho eeg seexo. ld seexad.
seexaw Baabi'inta wax la wada baabi'iyo.
seexi 1. Cid hurdisiin. 2. Dab iwm damin.
seexin eeg seexi. ld seexis.
seexis ld seexin.
seexo 1. Qof, gam'id. 2. Dab iwm damid.
page : 1329 of 1584
<< < 1324 1325 1326 1327 1328 1329 1330 1331 1332 1333 1334 > >>