Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: muqmadaysnaan
shaafici2  Afarta mad-habood ee fiqiga Islaamka middood. shaafii  Duco carabi iyo soomaali isugu jirta oo ardayda quraanku maqribkii akhriyaan. ld shaafiin.
shaafiin  ld shaafii.
shaafiyid  eeg shaafi.
shaag  Shay wareegsan oo isugu jira cinjir iyo bir oo baabuurtu ku socdaan. 2. Dhabbe jid cadde ah oo baabuurtu marto.
shaah1  1. Geedgaab weligii cagaaran oo ubax cad cad leh kana baxa dalalka Hindiya, Shiinaha, Sayloon iyo bariga Afrika. 2. Caleenta geedka shaaha oo la engejiyey loona diyaariyey in la isticmaalo. 3. Cabbitaan guduudan oo ka kooban caleenta shaaha, sonkor iyo dhir kale oo laysku kariyo. ld shaahi. shaah2  Shaah cabbid. shaahi1  ld shaah¹. shaahi2  Cid shaah siin. shaahid1  Marqaati. shaahid2  eeg shaah². shaahin  eeg shaahi². ld shaahis.
shaahis  ld shaahin.
shaajac  Nin geesi ah oo aan baqin. ld shajaac.
shaajacnimo  Shaajac ahaansho. ld shajaacnimo.
shaal1  1. Go'la huwado oo badanaa laga sameeyo dhogorta idaha, midabbo badanna leh oo laga keeno Kashmiir. 2. Aliindi. shaal2  Gaadiid badeed mowjad weyn oo xooggan oo ka hor timid ka gudbin. shaalcad  Dharka aliindiga ah nooc darfaha ku leh daliig midab ah oo wada cad.
shaalid  eeg shaal².
shaamareer1  Yaab aad u badan iyo filanwaa. shaamareer2  Yaab aad u badan iyo filanwaa dareemid. shaamareeri  Shaamareer ku ridid.
shaamareerid  eeg shaamareer².
shaamareerin  eeg shaamareeri.
shaamareersan  Wax shaamareer ku dhacay ahaansho (cid).
shaamareersanaan  eeg shaama-reersan. ld shaamareersanaansho.
shaamareersanaansho  ld shaama-reersanaan.
shaambaay  ld shaambi¹.
shaambayn  eeg shaambee.
shaambee  Cid shaambo ku dhufasho.
page : 1333 of 1584
<< < 1328 1329 1330 1331 1332 1333 1334 1335 1336 1337 1338 > >>

 

Exit mobile version