shaqal1 Sharrax lagu qurxiyo weelasha, albaabada, dariishadaha iwm. shaqal2 (nax.) Xaraf keligii lagu dhawaaqi karo oo intii la doono la jiidi karo; shaqalladu waxay ka dhashaan hawo soo marta marinka codka iyagoo aan waxba celinin. Tus. “a, e, i, o, u, aa, ee iwm”. Sh. culus: shaqallada soomaliyeed iyagoo ah 10 (5 gaagaaban iyo 5 dhaadheer) ayaa haddana midkiiba uu yeelan karaa laba cod: mid “culus” sida “dųul” (oo ah duullaan u bixid) iyo mid “fudud” sida “duul” (oo ah haadid). shaqal3 1. Wax shaqal ku qurxin. 2. Xuruuf carabi ah xarako u yeelid. 3. Dhiil, haruub iwm maro ku dahaarid. shaqala'aan Xaaladda uu ku sugan yahay qof shaqo uu wax ka tacbado aan haysan.
shaqali'i Waayitaanka la waayo wax laga shaqeeyo.
shaqaqorid Shaqo siinta qof shaqo la siiyo. ld shaqaqoris.
shaqaqoris ld shaqaqorid.
shaqayn eeg shaqee. ld shaqays.
shaqays ld shaqayn.
shaqaysad ld shaqaysasho.
shaqaysasho eeg shaqayso. ld shaqaysad, shaqaysi.
shaqaysi ld shaqaysasho.
shaqaysii 1. Ka sh.: qof in uu shaqo qabto ku kallifid. 2. Ka sh.: matoor iwm oo aan shaqaynayn hagaajin.
shaqaysiin eeg shaqaysii.
shaqayso Shaqo qabsasho.
shaqee Qof shaqo qabasho.
shaqfad Laab; qalbi.
shaqfal Kilkil. ld shoqfol.
shaqiiq Cudur madaxa qabta oo wixii qabaa ilkaha isku lisaan oo jirriqsadaan.
shaqiiqato 1. Xanuun madaxa dhinac ka qabta; goonjab. 2. Iin ku dhacda geela oo isu dhowaysa addimadiisa dambe oo kilkiluhu is xoqaan oo nabar yeeshaan.
shaqlan 1. Wax sharrax lagu qurxiyey ahaansho. 2. Wax shaqal loo yeelay ahaansho.
shaqlanaan eeg shaqlan. ld shaqla-naansho.
shaqlanaansho ld shaqlanaan.
shaqlid eeg shaqal².
shaqo Wax kasta oo gacanta ama qalab kale lagu qabto, si faa'iido ama dan laga lahaa looga gaaro; hawl, shuqul.
shaqojoojin Diidmo ay shaqaaluhu ku diidayaan in ay wadaan shaqada, ayaga o codsanayaan lacag dheeraad, ama xaalad ka wanaagsan tii hore.
shaqoli'i Hayn la'aanta aan shaqo la hayn.
shaqoqorid Shaqaalo qoridda.
shaqshaq1 Shay indho yaryar oo daldaloola leh oo budada iyo buunshada badarka lagu kala bixiyo. shaqshaq2 Wax shaqshaq ku kala saarid.
page : 1342 of 1584
<< < 1337 1338 1339 1340 1341 1342 1343 1344 1345 1346 1347 > >>