Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: muqmadaysnaan
sharaysad  ld sharaysasho.
sharaysasho  eeg sharayso. ld sharay-sad, sharaysi.
sharaysi  ld sharaysasho.
sharayso  Wax inuu baas leeyahay u qaadasho.
sharbad  Wax la cabbo oo laysku qarasfalo.
sharbeed  Hoore layiig ah, macaan, midabbo kala duwan oo inta biyo lagu qaso la cabbo.
sharci1  1. Axkaam-ta diinta islaamka; shareeco. 2. Xeerar dawladdu samayso oo dadka lagu xakumo. sharci2  1. Cid haddi-daaddeed ka jawaabid. 2. Qof go'aan ugu yeerid. sharcidarro  Wax sharciga khilaafsan oo lagu kaco.
sharcidejin  Samaynta sharci la sa-meeyo.
sharcin  eeg sharci².
sharciyayn  eeg sharciyee. ld sharciyays.
sharciyays  ld sharciyayn.
sharciyee  Wax ku dhaqmiddiisa sharci ka dhigid.
sharciyeed  1. (qaan.) Waxaa loo isticmaalaa in lagu sifeeyo waxyaabaha la xiriira sharciga, aqoonta sharciga, ama isticmaalada sharciga. 2. (qaan.) Ficil ama xaalad sharciyeysan uu sharcigu oggolaa-day ama ansixiyey.
shardan  Wax la sharday ahaansho.
shardanaan  eeg shardan. ld sharda-naansho.
shardanaansho  ld shardanaan.
shardi1  ld sharad¹. shardi2  (shuruud, m.l) (xis.) Hawraar ama weedh M oo lo baahanyahay in ay run noqoto si hawrar kale N ay u noqoto run. Haddii M ay tahay xaalad lagama maarmaan ah, markaa N ma noqon karto run M la'aanteed. Haddii M ay tahay xaalad kaafi ah markaa; markasta oo ay M noqoto run Nna waa run. Dhanka kale run ma noqon karto. Tusaale ahaan, haddii afar geesle uu noqon karo laydi waa in uu raaliggeliyaa xaaladaha lagama marmaan-ka ah in laba ka mid ah dhinacyada afar geesluhu ay yihiin barbaro, haseyeeshe, kani ma aha xaalad kaafiya ah, xaaladaha kaafiga ah ee afar geesle in uu yahay qardhaas waa in ay dhammaan dhinacyada afar geesluhu yihiin 5 cm., haseyeeshe kani ama xalaad lagama maarmaan ah. in laydi uu yahay labajibbaarane waa in uu raaliggeliyaa xaalad dhererka dhinacya-diisa in ay isle'egyihiin. Sida kale haddi M ay tahay xaalad lagama maarmaan ee N -> M, haddii M ay tahay xaalad kaafi ah markaa M -> N. Haddii M ay tahay xaalad lagama maarmaan ah iyo xaalad kaafi ah ee N markaa M N. shardid  eeg sharad².
shareeco  Axkaamta diinta islaamka.
shareer1  1. Wax, wax kale lagu qariyo. 2. Sh. ah: meel hawd ah oo dhir badan oo aan la dhex mari karin. 3. Wax dheer sida buuraha, geedaha, dhis-mooyinka iwm meesha ugu sarraysa. shareer2  Buur dhaladeeda. shareer3  Wax qarin. shareeran1  1. Wax la qariyey noqosho. 2. Wax la awday noqosho. shareeran2  1. Wax la qariyey ahaansho. 2. Wax la awday ahaansho. shareerid  eeg shareer³.
shareermid  eeg shareeran¹.
shareernaan  eeg shareeran². ld shareernaansho.
page : 1344 of 1584
<< < 1339 1340 1341 1342 1343 1344 1345 1346 1347 1348 1349 > >>

 

Exit mobile version