Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: muqmadaysnaan
shaxeex2  1. Cid ereyo ama falal wax loogu diidayo ujeedin.2. Warbixin been ah sheegid. shaxeexid  eeg shaxeex².
shaxgaab  Qof aan shaxda si fiican u aqoon.
shaxgaabnimo  Qof aan si fiican u garanayn shaxda ahaansho.
shaxid  eeg shax². ld shixid.
shaxiix  Bakhayl; masuug.
shaxshax  Sh. ah: wax nadaafad iyo muuqaal wanaagsan.
shaxyaqaan  Qof ciyaarta shaxda aad u yaqaan.
shaxyaqaannimo  Wax shax yaqaan ahaansho.
shay  (xis.) Shaygu waa wax leh qaab go'an oo aad taaban kartid, ama arki kartid oo aan nooleyn.
shayaaddiin  eeg shayddaan.
shaybaar  Meel qalabaysan oo tijaabooyinka cilmiga lagu sameeyo.
shayddaan  1. Uun aan muuqan oo dadka xumaha ku boorriya. 2. (-nno/-mmo,mdh) Qof xumaha ka taliya.
shayddaannimo  Shayddan ahaansho.
shaydiid  Sh. ah: qof cuqdo qaba oo dadka ka shakiya.
shed1  Labanlaabidda shibbane carabi ah la labanlaabo. shed2  Shibbane carabi ah labanlaabid. shedan  Xaraf carabi ah wax la labanlaabay ahaansho.
shedid  eeg shed².
shednaan  eeg shedan. ld shed-naansho.
shednaansho  ld shednaan.
sheed  1. (fk) Kor; mel dheer ama taag ah; buur. 2. Meel fog.
sheeg  Xog tabin.
sheegad  ld sheegasho.
sheegasho  eeg sheego. ld sheegad.
sheegato  Dad sheegta tol aysan ka dhalan ee xeer iyo dano kale ku raacay.
sheegid  eeg sheeg.
sheego  1. Dacwad, arrin, qaan iwm jeedsasho. 2. Wax aan la ahayn ama la lahayn isku tilmaamid.
sheegsad  ld sheegsasho.
sheegsasho  eeg sheegso. ld sheegsad, sheegsi.
page : 1348 of 1584
<< < 1343 1344 1345 1346 1347 1348 1349 1350 1351 1352 1353 > >>

 

Exit mobile version