Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: faajafaajo
showr2  ld shawr². showrid  eeg shawrid.
shub1  1. Dhis ka samaysan bir, ciid, quruurux iyo shamiinto isku dhafan oo isku qallalay. 2. Cayaar ka mid ah cayaaraha hiddaha iyo dhaqanka soomaaliyeed, leh jiib iyo jaan oo ragga iyo dumarku wada dheelan. 3. ld shubid. shub2  1. Hoore meel ku geddin. 2. Xoolo waraabin. 3. Lacag bangi dhigid. 4. Quruurux, ciid, shamiinto iwm dhismo ka samayn. 5. Bir iwm dhalaalin. shubaako  ld shabaako.
shubaal  1. Laxooxda balballaaran nooc ka mid ah oo macaan. 2. Shubidda ceel la shubo. 3. ld shubid.
shuban1  Saxaro badan, jilicsan oo nafleyda qaarkeed gadaal ka dhigto. shuban2  (daaw.) Saxaro jilicsan ama biyo ah oo la dhigo si is daba joog ah. Waxa sabab u noqon kara xiidmaha oo bukooda (infekshan, kolaytis, iyo cudurka “crohn”), dheefdhuuqa oo xumaata, xaaladaha acsaabtu kacsantahay iwm. Shubanku haddii uu dheeraado ama si daran u socdo wuxu keeni karaa: biyo aad u badan,cusbooyin iyo nafaqo kale oo jirka ka baxa. shuban3  1. Nafley wax shuban ku dhacay noqosho. 2. Hoore wax la shubay noqosho. shuban4  1. Hoore wax la shubay ahaansho. 2. Xoolo wax la waraabshay ahaansho. shubasho  eeg shubo.
shubid  eeg shub². ld shub¹, shubaal, shubniin.
shubme  Hoore.
shubmid  eeg shuban³.
shubnaan  eeg shuban4. ld shub-naansho.
shubnaansho  ld shubnaan.
shubniin  ld shubid.
shubo  1. Hoore, badar iwm meel ku geddisasho. 2. Xoolo wa-raabsasho.
shucaac1  1. Iftiinka qorraxda. 2. Tamarta ka dhalata mataataxa ku dhaca walxaha qaarkood, sida yuraaniyanka iwm. shucaac2  Shucaac muujin. shucaacid  eeg shucaac².
shucayb-sacaaf  (c.nafl.) Noolayaal yaryar oo dul sabbeeya biyaha badaha iyo harooyinka. Shucaybsacaafka waxa ka mid ah xayawaannada iyo dhirta ili ma-aragtayga ah, sida aljiga, borotosoowaha iwm.
shucays  ld shacays¹.
shucub  1. Dun, mayrax iwm oo wax lagu qurxiyo. 2. Cutub ubax ama miro ah oo isku meel ka soo baxay, sida miraha canabka. 3. Toorrey daabkeeda inta sare ee maartu ku jirto.
shucuur  Dareen; qiiro.
shufeer  Qof baabuur wada; wade.
shuftanimo  (taar.) Dagaalyahan ee dagaallamaaya oo ka mid ah ciidan aan rasmi ahayan, ee ka soo horjeeda ciidamada dawladda iyo booliska; jabhad.
shuftayn  eeg shuftee. ld shuftays.
shuftays  ld shuftayn.
shuftee  Qof dhac iyo dil u banbixid.
page : 1359 of 1584
<< < 1354 1355 1356 1357 1358 1359 1360 1361 1362 1363 1364 > >>

 

Exit mobile version