shux3 Laf iwm oo qorrax la dhigay dufan ka bixid. shuxid eeg shux³.
shuxlee Si xarrago ku jirto u socosho.
shuxleyn eeg shuxlee.
shuyuuciyaad ld shuuciyad.
si 1. Sah lagu suganyahay ama la yahay. 2. Hab; han-naan. 3. Tilmaan ama tayo wax leeyihiin. ld sida, sidaan, sidaas, sidii, sikasta, siwalba.
sibbaaq1 Rinji dharka la geliyo. sibbaaq2 (kiim.) Walax lagu midabeeyo dunta, maaska, iwm. Sibaaqyada badankoodu waa iskudhisyo orgaanig ah oo la macmalay. Sibaaqyadu aalaaba waa iskudhisyo orgaanig ah oo aan dhereg-sanayn oo leh dabarro lammaan oo talan-taali ah, dabarrada keenaaya midabka waxa lagu magacaabaa koroomofoor. sibbaaq3 Dhar iwm midab u yeelid. sibbaaqan Dhar iwm wax midab loo yeelay ahaansho.
sibbaaqasho eeg sibbaaqo.
sibbaaqid eeg sibbaaq².
sibbaaqnaan eeg sibbaaqan. ld sib-baaqnaansho.
sibbaaqnaansho ld sibbaaqnaan.
sibbaaqo Dhar iwm midab u yeelasho.
sibbaar Cid daryeelid; cid taakulayn.
sibbaarid eeg sibbaar.
sibbi 1. Silsillad dahab ah. 2. Kuul leh midab ka kooban dhibicyo madow iyo caddaan ah oo haweenku qoorta ku xirtaan.
sibiib ld sabiib.
sibiibix S. ah: meel kor siman ama qoyan oo lagu simbiriirixanayo.
sibiibixasho eeg sibiibixo². ld sibiibixo¹ (2).
sibiibixi Wax meel siman ama qoyan ku taraarixin.
sibiibixin eeg sibiibixi.
sibiibixo1 1. Meel siman ama qoyan oo lagu siibto. 2. ld sibiibixasho. sibiibixo2 Meel siman ama qoyan ku simbiriirixasho. sibir1 1. Xabag qaraar oo daawo ahaan loo isticmaalo. 2. Shamiinto. 3. Dhul-dhaca aqalka oo la kebisey. sibir2 1. Lugta dambe ee geela boqonteeda. 2. Maraqsaarta geela. sibirayn eeg sibiree.
sibiree Aqal iwm dhul-dhaciisa shamiinto ku kebisid.
sibqasho eeg sibqo.
page : 1365 of 1584
<< < 1360 1361 1362 1363 1364 1365 1366 1367 1368 1369 1370 > >>