sirutibyee ld sirdil.
sirutibyo ld sirdilyo.
sisib Meel siman oo lagu simbiriirixan karo.
sisibasho eeg sisibo.
sisibo Sisib ku kufid.
sisin 1. Geednagaar la beerto oo dhala miro yaryar oo saliid cuntada lagu darsado laga miiro. 2. Miraha geedka sisinta oo laga miiro saliid macsarada.
sitaac1 Suun dun la qurxiyey oo bul leh ka samaysan oo fardaha qoorta loo geliyo. sitaac2 ld sitaaci. sitaaci Faras sitaac u yeelid. ld sitaac².
sitaacid ld sitaacin.
sitaacin eeg sitaaci. ld sitaacid.
sitaacsasho eeg sitaacso. ld sintaacsasho.
sitaacso 1. (f.g) Faras sitaac ku xirasho. 2. (f.g) Wax qurxin; wax xardhid. 3. (f.mg) Derbi, kursi iwm ku tiirsasho.
siti Magac loo yaqaan Faadumo Rasuul.
siwalba ld si.
sixad ld saxasho.
sixasho ld saxasho.
sixid ld saxid.
sixiimad ld saxiimad.
sixin Burcad la shiilay subagga saafiga ah oo ka soo baxa.
sixir1 Farsamo ku dhisan aqoon qarsoon oo la moodo in ay saamays weyn leedahay oo cid wax lagu yeeli karo; falfal. sixir2 Nooc siilaanyada ka mid ah oo dusha ku leh midabbo. sixir3 Cid sixir wax ku yeelid. sixirfur Daaweynta cid sixir laga daaweeyo. ld sixirfuryo.
sixirfuryayn eeg sixirfuryee.
sixirfuryee Cid sixir ka daaweyn.
sixirfuryo 1. Waxyaabaha lagu daaweeyo sixirka. 2. Siyaalaha sixir loo daaweeyo. ld sixirfur.
sixiroole ld sixirrow.
sixirrow Qof sixirka yaqaan. ld sixiroole.
sixni ld saxan¹.
page : 1379 of 1584
<< < 1374 1375 1376 1377 1378 1379 1380 1381 1382 1383 1384 > >>