so' 1. Hilibka intiisa jiirka ah ama cad. 2. Cagaarka meel bannaan oo biyo ku fideen ku hara. 3. Meel ceelal badan oo isu dhow ku yaallaan. 4. Dhulka intay joogsadaan xoolaha ceelka ka cabbayaa.
so'yaqaan Nafley hilib keliya ku nool; hilib-cun.
socdaal1 1. Safar meel fog lagu aado. 2. S. ah: qof safar ah. ld sadcaal¹, sodcaal¹. socdaal2 Meel fog safar ku aadid. ld sadcaal², sodcaal². socdaalid eeg socdaal². ld sadcaalid, sodcaalid.
soco 1. (f.g) Socod samayn. 2. (f.g) Hadal la hayey sii wadid. 3. (f.mg) La s.: cid la saaxiibid. 4. (f.mg) La s.: wax xogtooda hayn.
socod 1. Lugaha oo si isbada-joog ah loo qaado iyadoo meel laga dhaqaajinayo. 2. Dhaqdhaqaaq aan joogsi lahayn.
socod iskudubbaridan (fiis.) Socod kaleedka saxar ama walhasho leh muuqaal-ka hireed ee qaabka garaafka sayn.
socod iskudubbaridan oo fudud (fiis.) Saxar ama walax ee waxa ay ku socotaa socod iskudubbaridan oo fudud, marka ay ku washato bar maguur, ayna raacdo xarriiq toosan. eeg socod iskudubbaridan.
socodka barawn (fiis.) Socodka hablaawaha joogtada ah ee saxarada maatarka (ugu dhawaan dhexroor 1æm ah) marka ay dul heehaabayaan hoor.
socodsii 1. Wax dha-qaajin. 2. La s.: wax xogtooda cid ogaysiin.
socodsiin eeg socodsii.
socooban ld sacoobaan.
socosho eeg soco.
socoto Cid meel ka tagtay oo meel kale safar u aaday.
sodcaal1 ld socdaal¹. sodcaal2 ld socdaal². sodcaalid ld socdaalid.
soddog Haweeney la qabo aabbaheed waxa uu ninkeeda u yahay ama waxa ninka aabihiis u yahay haweeneyda uu qabo.
soddognimo Soddog ahaansho.
soddogoobid eeg soddogow.
soddogow Soddog noqosho.
soddoh 1. Haweeney gabadha ay dhashay ninka qaba waxa ay u tahay ama haweeney wiilka ay dhashay gabadha uu qabo waxa ay u tahay. 2. Haweeney gabadh leh.
soddohnimo Soddoh ahaansho.
soddoho Dabayl weyn, qashin iyo boor badan oo cirka isku sha-reerta.
soddohoobid eeg soddohow.
soddohow soddoh noqosho.
soddomaad1 Taariikhda u dhexeysa bilawga soddonka iyo afartanka. ld soddo-naad¹. soddomaad2 Tirada jagaalada ah kan soddonka u dhigma. ld soddonaad. soddomeeye ld soddomeeyo.
page : 1381 of 1584
<< < 1376 1377 1378 1379 1380 1381 1382 1383 1384 1385 1386 > >>