Site icon Qaamuus

qaamuus

Ereyga Maanta: faajafaajo
solnaan  eeg solan. ld solnaansho.
solnaansho  ld solnaan.
solniin  ld solid.
solo  Hilib iyadoo aan biyo iyo weel la isticmaalin dab ku bislaysasho.
sonkor  ld sokor.
sonkor-caanood  (baay.) Sonkor ka kooban hal molikiyuul oo gulukows ah oo ku xidhan hal molikiyuul oo galaktows ah. S. c.da waxa soo saara ganjidho caanoodda waxaana laga helaa caanaha oo keliya.
sonkornabaad  ld sokornabaad.
sonkorow  Cudur dadka ku dhaca oo kaadida maceeya, gaajo iyo harraad badanna keena.
soo1  ld sow. soo2  1. Qurub tilmaamaya in falku uu u jeedo dhinaca hadlaha ama yeelaha. Tus. “Soo gal! Hoosta u soo deg! Ii soo sheeg!”. 2. Qurub tilmaamaya in falku uu keenayo sii aadid iyo soo noqosho. Tus. “Cali soo eeg! Hilib baan soo iibsanayaa”. soo dhac  (kiim.) Saxarro kaahfaleed oo ka soo dhaca atmoosfeerka marka uu qarax bu'eed dhaco.
soo-dhac  Sameeyay, la qabtay, dhacaya, ama la doortay iyada oo aan la marin hanaan ama go'aan miyir leh. magac: qof aan la aqoon, la ogeyn, ama qof aan caadi ahayn. English: Random.
sooc1  S. ah: wax xul ah. sooc2  1. Wax intooda fiican la bixid. 2. Kala s.: wax isku jira noocyadooda kala saarid. soocad  ld soocasho.
soocan1  Wax la kala soocay noqosho. soocan2  Wax la kala soocay ahaansho. soocanti  Wax badan oo isku jira intooda fiican oo gaar loo saaro.
soocasho  eeg sooco. ld soocad.
soocelin  (taar.) Soo celintu waxay ahayd dhacdo dhacay 1660, markii Jaarleskii 2aad uu noqday boqorkii Ingiriiska, ka dib waqtigii uu noqday boqor iyo boqoradda la'aan.
soocid  eeg sooc.
soocmid  eeg soocan¹.
soocnaan  eeg soocan². ld sooc-naansho.
soocnaansho  ld soocnaan.
sooco  1. Wax intooda fiican xulasho. 2. Kala s.: wax isku jira noocyada ay u kala baxaan u kala saarasho. 3. Wax isku darsan inta qof leeyahay ka baxsasho.
sooddoog  Jiilaal dheer ama abaar waxyeeladeed nur da'ay kaga soo kabasho. ld soodoog.
sooddoogid  eeg sooddoog.
soode  Biyo cusbo leh ama budo dharka, alaabta iwm lagu dhaqo. ld soodhe.
soodha  (kiim.) Naatriyam Kaarbooneyt (Na2CO3). Budo wiriqlaawe ah oo cad, taas oo kuusanta marka loo banneeyo hawada sababtoo ah waxa ay noqotaa cokane.
soodhac  eeg soo-dhac.
page : 1383 of 1584
<< < 1378 1379 1380 1381 1382 1383 1384 1385 1386 1387 1388 > >>

 

Exit mobile version