sooh1 S. ah: xarig aan tidac ahayn oo laba dhudood ka samaysan. sooh2 1. Wax miiqid. 2. Wax isku tidcid. sooh-barar (daaw.) Badashada cabbirka sooh ama xubin oo ay keentay ballaara-shada unugyada, oo aanan ka iman bada-shada unugyada sida burada iwm. Muru-qyadu way weynaadaan haddii shaqo ba-dan lagu qabto.
sooh-baruured (daaw.) Sooh mayrax leh oo baruuri ku dheehantahay - (packled).
sooh-guran (daaw.) Baabi'idda ku dhacda xubin ama sooh si caadi ah u koray oo ay sababna u tahay unugyada oo ka dhammaada waxayna iman kareysa xaalad nafaqo darro, isticmaal la'aan ama gabow.
soohan Waax la soohay ahaansho.
soohasho eeg sooho.
soohdimayn eeg soohdimee.
soohdimaysasho eeg soohdimayso.
soohdimayso Dhul soohdin u samaysasho.
soohdimee Dhul soohin u samayn.
soohdin1 Seere, xad. soohdin2 (xis.) Xaddeyn ama xannibaad lagu sammeeyo dambeedka fansaar. Soohdin sare waa tirada U, taas oo f(x)_l dhammaan x-yada kujira horaadka. Tusaale ahaan, haddii f(x)=sinx markaa +1 waa soohdin sare iyo -1 waa soohdin hoose. soohdin-diiran (c.cimi.) Xariiqda xadka ee dhulka oogadiisa oo u dhaxaysa cuf horumaraya oo hawo diiran ah iyo hawada qabow ee ay ka kacayso.
soohid eeg sooh².
soohnaan eeg soohan. ld soohnaan-sho.
soohnaansho ld soohnaan.
sooho Xarig sooh ah samysasho.
soojeed1 1. Habeenka oo aan la seexan. 2. Habeen dhan oo allabari lagu soo jeedo. 3. (-dyo, m.dh) Aqallada iwm dhankooda suuqyada u jeeda. 4. Oogada dadka, dhanka wejiga iyo laabtu ku yaaliin. soojeed2 Habeen hurdo seegid. soojeedid eeg soojeed².
sool Hawd oommane ah.
soolaji (baay.) Barashada cilmiyeysan ee xayawaanka marka lagu daro anatomi-gooda, fisiyoolajigooda, bayokiimiko ahaan, hiddo barasho ahaan, ekoolojigoo-da, tadawurkooda iyo asowgooda.
soolane S. ah: 1. Nin aan xaas lahayn. 2. S. ah: shaah sonkortu ku yartahay.
soomaali1 Luqadda soomaalida u gaarka ah. soomaali2 Dadka Soomaaliya deggen ama ku hadla af-soomaaliga. soomaalinnimo Soomaali ahansho.
soomaaliyayn eeg soomaalyee.
soomaaliyee Soomaali ka dhigid.
soomaaliyoobid eeg soomaaliyow.
page : 1385 of 1584
<< < 1380 1381 1382 1383 1384 1385 1386 1387 1388 1389 1390 > >>