sooho
(Fal Magudbe3 | Verb Intransitive3) (-hday, -hatay)Xarig sooh ah samysasho.
Erey(o) la macne ah ereygan ama xiriir la leh sooho ↴
gesiir [m.l] (-rro, m.dh)
Xarig dun ah, si gaar ah loo sooho, cabbaadyo ama kuul yaryar midabo kala duwan leh lagu mardimeeyo oo haweenku dhexda ku xirtaan. ld gasii.
soohasho [m.f.dh]
eeg sooho.
xaskul [m.dh]
(bot.) Geed dacarta la tol ah; wuxuu leeyahay caleemo dhaardheer oo warmo ah oo qaarka danbe u wada buuran oo wada hilib ah, oo caarad qodax ah ku wada dhammaada; sida wax laysku falkiyay bay isu haystaan oo midiba mid uga kor baxdaa. Waa wada liil, xargo iyo waxyaalo kaleba laga sooho ama laga sameeyo; xaskulxig.
Qaab dhismeedka Qaabnaxa: Halkan Ka Eeg
Naxwaha oo kooban: Halkan Ka Eeg